Fahad Yaasiin: Madaxweyne Xasan ma wuxuu qaaday jidkii kala dirka dowladnimada?

Dastuur waa heshiis bulsho ay kuwada noolaato, mana jirto cid kaligeed ah oo si iskeed ah wax uga baddali karta.

Dunida oo dhan laba jid uun baa dastuur lagu baddalaa. Tan koowaad waa in heshiis buuxa lagu yahay oo cid walba la qanciyey. Tan labaad waa marka awood ciidan talada lagula wareego oo dadweynaha la khasbo. Tallaabadan khasabka ku timid qudheedu ma noqoto mid waarta oo waayo badan sii jiri karta.

Baddalka dastuur aan heshiis lagu ahayn iyo waxa laga dheefo aan ka soo qaato tobankii sano ee u danbeeyey inta dal ee u burburtay natiijo ka dhalatay dastuur aan heshiis lagu ahayn.

YEMEN

Dalka Yemen markii uu guulaystay kacdoonkii Carabta ee ay dhallinyaradu hoggaaminayeen, xukunkii dalkana uu ka dagay Cali Cabdalle Saalax oo uu taladii dalka la wareegay Cabdu Rabbo Mansuur wuxuu daah furay qorshe qaran oo ah diyaarinta dastuur ka duwan kii hore. Xoogag kala duwan oo saamayn weyn lahaa ayaa ka hor yimid. Buuqii iyo qalalaasihii bartaas ka bilowday wuxuu ku dhammaaday in Xuuthiyiintu ay caasimaddii Sanca la wareegaan, sidaasna ay ku dunto dowladii dhexe.

SUUDAAN

Dalka Suudaan kolkii Cumar Albashiir laga tuuray xukunka oo xoogag isku huwan ahi ay la wareegeen hoggaankii, waxay ku dhawaaqeen dastuur cusub, kii horana wey laaleen. Murankii iyo ismaandhaafkii ka dhashay wuxuu gaarsiiyey Suudaan halka ay maanta marayso. Caasimaddii Khartuum burburkii ugu xumaa abidkeed baa ku habsaday. Suudaantii hormuudka u ahayd Afrika waxa halaagaas baday dood ka dhalatay dastuur aan cidina heshiis ku ahayn.

LIIBIYA

Dalka Liibaya dib u eeg. Kacdoon shacab iyo mid hubaysan ayaa xukunka looga tuuray Mucamar Alqadaafi. Muddo sanado ah ayaa lagu wada joogay shuruuc kumeel gaar ahaa oo heshiis lagu wada ahaa. Iyadoo sidaas xaal ahaa xukuumaddii caasimadda ka talinaysay waxay abuurtay qorshe ah dastuur cusub, waxaaana ka dhashay colaado iyo hadimooyin culculus oo soo jiitay hardan juquraafi-siyaasadeed.

Liibiya, waxaa ceelka ololka badan gunta u dhigay dood ka dhalatay dastuur lagu muransanyahay taasoo baylah iyo burbur ka yeeshay dalkii saameynta ballaaran ku dhex lahaa jiray Carab iyo Afrikaan.

KENYA

Dalka Kenya dood iyo muran ka dhashay damac wax ka baddal dastuur ayaa sigay jawiga dalka, waxaase badbaadisay laantii garsoorka oo xukuntay in sharci daro ay tahay qorshaha wax ka baddalka dastuurka, waxayna sabab uga dhigeen in Madaxweynaha dalka uu qayb ka noqday ololaha wax ka badadlka dastuurka.

GUNAANAD

In Maamulka haatan jira ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexdo hannaankii u dagsanaa dhammeystirka dastuurka, lana bilaabo ansixinta dastuur cusub waa aqoon darro, waa damac waalan oo dalka haadaan ku ridi kara.

Madaxweynaha, isagoo og in qorshahan dastuurka aysan cidna ku raacsaneyn, xitaa saaxibadiisa gaarka ah, labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo maqan, ayna diidanyihiin madaxdii hore ee qaranka waa qar iska tuurnimo wayn.

Hadduu Madaxweynuhu kusii adkeysanayo go’aankiisan gurracan, waxaa muuqata in dalkaan uu gacantiisa sababsan doono ( Alle kama dhigee).

Mustaqbalka dalka laba waji baa nagu soo wajahan; in qalalaasaha ka dhasha dastuurkan uu kaligiis garabka ku sito Madaxweynaha uu sabab u noqdo kala irdhoow iyo kala daadasho qaranka oo idil saameeya, dib u xallintiisana ay u baahato shirweyne dib u heshiisiin cusub.

Taas mid kaloo kasii halis badan baa jirta, waana in qalalaasaha ka dhashaa fitnadan dastuurka cusub uu sii fogeeyo xaaladda dalka oo keeni karta in kooxaha argagixisada ahi ku daydaan Taalibaan, oo ayba ku fekeraan iney dalka la wareegaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxaa qorshaha ugu jira inuu raaco jidkii uu maray Madaxeynihii Afgaanistaan Ashraf Gaani!

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha, muddo xileedkiisii hore wuxuu lahaa saaxiibo gacanta ka qabta oo marmar talada kula dhaga, laakiin muddo xileedkiisan dalka iyo dadkuba waa nasiib ku nool. Haddaba su’aashu waxay tahay Xasan Sheekh ma wuxuu qaaday jidkii kala dirka dowladnimada?

W/Q: Fahad Yaasiin

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.