Sarkaal ka tirsan Xizbullah oo booqasho taariikhi ah ku tegay Imaaraatka Carabta

Abuu Dhabi (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Lubnaan ee Xizbullah ee Iran ay taageerto ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay Imaaraadka Carabta, afar ilo-wareed oo ku dhow Xizbullah ayaa sidaas u sheegay Reuters.

Ujeedka booqashada Wafiq Safa ayaa ah inuu u fududeeyo sii daynta in ka badan 10 qof oo reer Lubnaan ah oo halkaasi ku xiran

Booqashada oo ku timid casuumadda Imaaraadka ayaa muujin karta isbeddel weyn oo ku yimid cadaawaddii muddo dheer qeexeysay xiriirka kooxda Shiicada ah ee Xizbullah iyo Imaaraadka Carabta oo ah dal Sunni ah oo xulufo dhow la ah Mareykanka, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan jawaab ku bixin booqashada mar ay ka codsatay Reuters.

Mid ka mid ah ilo-waeedyada oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa booqashada Wafiq Safa ku qeexay “bog cusub” oo u furmay xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Xizbullah, oo ah koox ay argagixiso ku calaameeyeen Mareykanka iyo xulufadiisa Khaliijka Carabta.

Safa ayaa Imaaraadka u safray Talaadadii, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Waxa uu maamulaa qaybta isku xirka iyo iskaashiga ee Xizbullah, isaga oo mas’uul ka ah isku xirka laamaha ammaanka ee Lubnaan, waxaana cunaqabatayn saaray Maraykanka.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay xiriir la sameeyeen Xizbullah, ayaga oo sida farriin ah inay doonayaan inay sii daayaan maxaabiista Lubnaan oo qaarkood ku xukuman xabsi daa’in.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in maxaabiistan loo xiray eedeymo ay ka mid yihiin inay taageero iyo dhaqaale u fidinayeen Xizbullah, taasi oo kooxda ay ku tilmaamtay eedeymo ay siyaasad ka dambeyso.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in dhammaan maxaabiista lasii dayn doono maalmaha soo socda, ayna Safa u raaci doonaan Lubnaan.

Laba ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in Imaaraadka ay weydiisteen madaxweynaha Syria Bashar al-Assad oo ay xulufo yihiin Xizbullah inuu u gudbiyo farriinta, kahor intii aanu billaaban dagaalka Gaza, oo Xizbullah iyo Israel ay gantaalo isku weydaarsadeen xuduudda.

Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa booqashada ku tilmaamay dadaal lagu qaboojinayo “qaar ka mid ah xiisadaha gobolka,” isaga oo aan sharxin.

Siyaasadda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa waxaa sanadihii dhowaa ku jiray inay dib usoo celiyeen xiriirka Assad, halka ay dib ula heshiiyeen Iran 2019.

Lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, oo ay qeyb ka yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayaa Xizbullah ku calaameeyey urur argagixiso 2016-kii.

Reuters + VOA