FAHAD YAASIIN oo maanta MUQDISHO kula kulmay taliyaha sirdoonka dal kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha sirdoonka Talyaaniga (AISE) Jeneraal Giovanni Caravelli oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasiya ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen iskaashiga dhanka sirdoonka ee labada dal iyo xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay kulanka labad mas’uul, iyada oo gebi ahaanba laga gaabsaday faah-faahinta arrimaha ay ka wada-hadleen labada dhinac iyo sababaha xiligan kusoo beegay booqashada taliyaha sirdoonka dalka Talyaaniga.

“Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Taliyaha sirdoonka dalka Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah, midaasi oo kor loogu qaadayo iskaashiga hay’adaha sirdoonka ee labada dal.

Kulankan ayaa imanaya xili ay NISA wajaheyso eedeymo la xiriira faro-gelin ku aadan doorashooyinka dalka, lamana oga in kulanka uu qeyb ka yahay arrimaha doorashooyinka, maadama aan laga hayn xog ka baxsan inta ay baahisay hay’addu.