Dagaalka Tigrayga iyo Abiy Ahmed oo isku rogaya dabar-goyn iyo gumaad (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaalka u dhexeeya ciidanka Itoobiya iyo  jabhadda xoreynta shacabka Tigray waxa uu u muuqdaa mid siisoconaya, ciidanka dowladdu waxa uu sheeganayaa in uu horumar weyn ka sameeyey dagaalka, islmarkaana qabsaday deegano hor leh oo ay TPLF ku xooganayd kunayaal gudaha gobolka.

Madaxa jabhadda Tigrayguna waxa uu ku tilmaamay waxa socda ee dowladda federaalku ay wado ‘dagaal loogu talagalay in gumaad iyo xasuuq lagu geysto’.

Waxa jira cabsi sii kordheysa oo caalami ah taas oo kusaabsan in dagaalku sii fidayo siina baahayo Juquraafi ahaan islamarkaana xaalku faraha ka sii baxayo iyada oo dirirtu gaartay gobolka Amxaarada ee la deriska la ah gobolka Tigray, Amxaarada iyo Tigray waxa u dhexeeya sooyaal  xun iyo colaad gaamurtay oo jirta sanado badan oo ay isku hayeen gobolka Waqooyi iyo xukunka dalka.

Waaxda gurmadka iyo xaaladaha degdegga ee xukuumadda Itoobiya ayaa xaqiijisay in weerar loo adeegsaday gantaalaha meelaha fog gaara lagu qaaday gegooyinka ama garoonada magaalooyinka Baxardaar iyo Qandar kuwaas oo ka wada tirsan gobolka Amxaarada.

Xukuumadda ayaa waxay ku eedeysay Jabhadda TPLF inay ka dambeyso weerarka hayeeshee dhankooda hoggaamiyeyaasha jabhadda Tigraygu waxa ay sheegeen in weerarkaasi jawaab celin u ahaa weerar hawada ah oo ciidanka federaalku ku qaaday saldhigyo ciidan oo TPLF ku leedahay gobolka, iyada oo aan qarsan lana ganban Tigraygu waxa ay sheegeen in ay kadambeeyaan ayna leeyihiin mas’uuliyadda weerarka garoonada diyaaradaha ee Baxardaar iyo Qandar.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali oo sheegay in uu hubo ayna shaki la’aana tahay in Jabhadda kasoo horjeedda ay ku guuldareysan doonto dagaalka ayaa shaaciyey in uu muddo dhowr beri ah siiyey TPLF si ay isu soo dhiibto una badbaadiso nafta, hantida shacabka iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka.

Dhinaca kale, xukuumadda Itoobiya ayaa sii wadda dhaq-dhaqaaqyadeeda dhinaca diblomaasiyadda, wasiirka arrimaha dibadda ayaa kulan ballaaran la qaatay ergooyinka diblomaasiyadda iyo safaaradaha shisheeyey ee jooga Itoobiya isaga oo u xaqiijiyey in howlagalka ciidan uu weli socdo islamarkaana sii socon doono, ujeeddada dagaalka ayuu ku sheegay in ay tahay in maxkamad la soo taago waxa uu ugu yeeray hoggaamiyeyaasha kooxaha fallaagada  jirriga ama burcadda ka dillacday gobolka.

Dagaalka ka socda dhulka iyo deegaanka gobolka haddana xaalka xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ayaa hadda u muuqda mid cakiran, hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dagaalka ka taagan gobolka Tigray ay ka carareen dad lagu qiyaasay 14000  oo qof kuwaas oo nafta ula cararay Suudaan oo deris la ah.

UNHCR ayaa waxay sheegtay in qulqulka qaxootigu uu ka awood badan yahay kana sarreeyo inta la maareyn karo ama loo heli karo meel ay dhinaca dhigaan iyo wax ay cunaan, wasiirka arrimaha gudaha ee Suudaan ayaa sheegay in ay filayaan in qulqulka xaqootiga ka soo cararaya dagaalku uu sii socon doono sida la odorosayana ay tiradu kor u dhaafi doonto 20 kun oo qof iyo kabadan haddii dagaalku ka sii socdo gobolka Tigray.

Waa dagaalka kiciyey welwelka iyo walbahaarka hay’daha xuquuqda aadanaha iyo bulshada caalamka iyada oo ay jiraan warbixino muujinaya in uu dhacay gumaad iyo dabar-goyn guud oo hay’adda xuquuqda aadanaha ee QM dalbatay in lagu sameeyo baaritaan guud oo la xiriira gaboodfalka dhacay.

Qaramada Midoobay, MA iyo ururo kale oo caalami ah ayaa muujiyey sida ay uga welwelsan yihiin in xaalka dagaalka kataagan gobolka Tigray uu faraha ka baxay ama aan la xakameyn Karin islamarkaana dirirtu ku baahday deegaano hor leh taas oo macnaheedu yahay in ay dhici karaan xad-gudubyo la xiriira Isirka iyo haybta taasina ay qalqal gelin karto nabadgelyada guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Aljazeera, AFP & Mustaqbal