Dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka dhan ah QOOR QOOR oo ka billowday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh ayaa wuxuu soo kala dhex galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo xubnaha labada gole ee ka soo jeeda Galmudug, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda Guddiga doorashada Galmudug oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugida.

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si xowli ah uga socdo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo looga soo horjeedo madaxweyne Qoor Qoor, kadib markii la isku fahmi waayey guddigii uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha.

Siyaasiyiinta iyo xubnaha labada Gole ee Dowladda Soomaaliya ku matala Galmudug ayaa madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey in guddiga uu soo magacaabay ay ku jiraan xubno ka tirsan Hey’adda Nabad-Sugida Qaranka ee NISA.

Waxaa fashil kusoo dhamaaday kulamo ay wada yeesheen madaxweyne Qoor Qoor, xubnaha labada Gole ee Galmudug iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedo Galmudug ee ku sugan Magaalada Muqdisho kadib markii madaxweyne Qoor Qoor uu ku adkeystay inuusan waxba ka badaleyn guddiga uu soo magacaabay.

Xubnaha xildhibaannada mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ayaa si cad ugu sheegay madaxweyne Qoor Qoor inaysan marnaba aqbali doonin guddiga uu soo magacaabay, islamarkaasna uusan guddigaas wax doorasho ah ka qaban karin deegaanadaas illaa inta laga helayo guddiga ka madax banaan hay’adda NISA, sida ay hadalka u dhigeyn.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waayey saaxiibadiisii ugu waaweynaa ee ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaas oo ay ugu horreeyaan Dhagey iyo Dhagdheer oo la rumeysan yahay inay laf dhabar u ahaayeen doorashadii Dhuusamareeb ka dhacday ee isaga lagu doortay, sidoo kalana waxaa ka hor yimid xildhibaanada mucaaradka oo qaarkood wasiiro ka ah Maamulka Galmudug.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon-yahay, madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku fashilmay daminta guuxa looga soo horjeeda, kadib markii uu kulamo albaabadu u xiran yihiin la qaatay xubnaha labada gole iyo siyaasiyiinta deegaankiisa ee kasoo horjeeda guddigaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulankii u dambeeyay oo uu madaxweyne Axmed Qoorqoor la yeeshay xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug looga dalbaday inuu ka laabto Guddigii doorashada uu soo magacaabay oo ay saluugsan yihiin, kuna tilmaameen inuu yahay Guddi uu soo magacawday Taliyaha Nabadsugida.Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku adkeysanaya inuusan bedeli doonin xubnaha maamulkiisa ku metelaya guddiga doorashada, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow-dhow madaxtooyada Galmudug.

Si kastaba, waxa sii xoogeysanaya dhaliilaha dul hoganaya guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafadka, midaasi oo keeni karta in doorashadu dib uga dhacdo waqtigeeda, haddii aan wax laga qaban tabashada ku aadan guddigaasi.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu dhawaan dib ugu laabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo laga cabsi qabo in laga bilaabo mooshin isaga xilka looga qaadayo.