Falcelin culus oo ka dhalatay HESHIISKA difaaca ee ay galeen Soomaaliya iyo Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shalay heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaasi, kaasi oo ay ka dhalatay fal-celin kala duwan.

Heeshiiskan ayaa si gaar ah u taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka. Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) oo booqasho ku tegay Istanbul, kaasi oo la kulmay dhiggiisa Turkiga.

“Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo haatan ah mid xoogan, ayada oo Turkiga uu yahay dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, islamarkaana ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdiweli Cali: “Turkiga daacad buu ka yahay la shaqeynta iyo caawinta Soomaaliya balse Madaxweyne Xasan ha laga karo Imaaraadka oo cadowga Soomaaliyeed ah.”

Dalmar Xaaji ayaa isna waxa uu yiri “Dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha dalka waxaan ka codsan lahaa inay ka dhabeyso heshiiska iskaashiga difaaca ee lala gelaayo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, loona ogolaado dhamaan dhinacyada difaaca muhiimka u ah sida; tababarka ciidanka, duqeynta cadowga dalka oo dhan gees ka gees, saadka ciidanka dhanka hubka iyo rasaasta. Waxaan soo jeedinaa total heshiisyada difaac in aan la galno dowladda Turkiga. Buur ahow ama Buur ku tiirsanow.”

“Wasiirkan dalkuu tagaba heshiiska lagalaya horta awoodaa yaa siiyay Dalka waa in laga qabtaa wsiir Tiktook,” ayuu yiri Cabdirashiid Aadan Qarandoon.

Salmaan Axmed: “Wad shaqeysa mudane wasiir mahadsanid. Mahadsanid dowlada Turkiga oo nacaawisay xilliyo adag.”

Ciise Bakar Jeylaani ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Masha Allah waa tallaabo horey loo qaaday. Ethiopia cida keliya aan u ku tashan karno si aan iskaga difaacno waa Turkiga, waayo Ethiopia iyadaba waxa ay ku tirsan tahay reer galbeedka oo ugu horeeyo Faransiiska oo beryahan Ethiopia dabada kasoo riixayo.”

“Turkiga waa la dayacay. Xasan Sheekh oo Imaaraadka ha ka fogaado. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga hala xoojiyo, gaar ahaan difaaca Badda,” ayuu yiri Xasan Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Naasir Maxamed: “Soomaalidu waxaan u sheegayaa biyo sacabkaada looga dhargaa aan isku tashano oo ciidan awood leh dhisano cadowgaada shantaada farood baa ka celisa, waxa uu cadowga noo daadaansanayo waa wax anaga nagala arkey.”