Falcelin culus oo ka dhalatay isbeddelka maanta lagu sameeyay hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA oo loo magacaabay Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi oo ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Isbeddelkan maanta lagu sameeyay hay’adda NISA ayaa waxaa ka dhashay fal-celin weyn, ayada oo xusan mudan tahay in booskaan uu banneeyay Mahad Salaad oo isagu u hanqal taagayaa hoggaanka sare ee Galmudug, isaggoo ka qayb-geli doona doorashada soo socota ee maamulkaasi.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay?

Axmed Naaji Cabdalla: “Hambalyo Taliye Sanbaloolshe waa nin wayn u qalma Hay’adda NISA.”

Cabdicasiis Cali-xiir ayaa isna waxa uu yiri “Wasaaradda wax soo jeedineysa wasiir xitaa malaha!.”

Cabdullaahi Aadan Afyare: “Hambalyo Taliyaha la magacabay waxaan rajeynayaa shaqadaas inuu kasoo baxo iskana ilaaliyo xilka inuu dad ku dulmiyo maadama xilku yahay meerto.”

Guuleed Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri “Ninka hada loo dhibay wallee Mahad baa dhamay laakiin aan aragno bal!.”

“Soo dhawaaw ayaan leeyahay Mahad Salaad intoo qabtay iyo kasii badan waa ku arki doonaa adigane Insha Allah,” ayuu yiri Cabdulqaadir Muxuyidiin.

Yuusuf Xuseen Nuur: “Reer Hiiraan waxaan leeyahay kursi mug leh baad hesheene ee raadiya xasilinta gobolka Hiiraan, joojiyana dhowrka madaxweyne ee ad magacaabeysaan.”

Cabdullaahi Xuseen Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri: “Sow Qalbi Dhagax uma dhiibin Itoobiya kan?!.”

“Agaasime Mahad Salaad amniga dalka howl la yaqaan ayuu kasoo qabtay, xilkuna waa meerto wuxuuna nooga tagay hal abuuro amni oo aad u sareyso aan ku xasuusaneyno nabad-galyo mudane. Agaasimaha cusub Sanbaloolshe soo dhawow ayaa leeyahay,” ayuu yiri Cabdullaahi Xasan.