Wasaaradda A/Dibadda oo dabaqday qaraarka, 72 saac u qabatay safiirka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dabaqday go’aannadii maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada ee ka dhanka ahaa Itoobiya.

Wasaaradda ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo fara-galin qaawan ku haysa dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaca badda.

Go’aanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda oo daba socda qaraarkii maanta ee Golaha Wasiirada, ayaa waxaa lagu amray Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya inuu dalka uga baxo 72 saacadood gudahooda.

Wasaaradda ayaa amartay tallaabooyin xasaasi ah oo lagu dabaqayo qaraarkii maanta, kuwaasi oo kala ah;

1- Safiirka dowladda gederaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaaliya.

2- In muddo toddoba maalmood gudahood ah lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sameeyo.

Tallaabooyinkan ayey wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in loo qaaday si loo ilaaliyo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xadgudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa.

“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood,” ayaa lagu yiri qaraarka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”