Sababta ITOOBIYA ugu dhiiratay xadgudub kale xilli ay taagan tahay xiisada badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya oo ka faa’iideysaneysa cilaaqaadka hoose ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulladiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay si weyn ugu mashquulsaneyd inay xiriir toos ah oo u dhigma heer qaran la yeelato dhamaan maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Dhinacyada ay sida weyn ugu mashquulsanaayeen Itoobiya waxaa kamid ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Shalay waxay qaadeen tallaabo u muuqatay fara-gelin weyn oo kusoo aaday waqti xasaasi ah oo labada dal uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyo. Magaalada Addis Ababa waxaa shalay heshiis ku kala saxiixday dowladda Itoobiya iyo maamulka Puntland oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Addis Ababa si ay culeyska ugu sii badiso madaxweyne Xasan Sheekh waxaa farriinta heshiiska lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Dhinaca Itoobiya waxaa heshiiska u galay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda, halka uu dhanka Puntland u galay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax.

Labada dhinac waxa ay sheegeen inay iska kaashanayaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta iyo mashaariicda kaabayaasha. Itoobiya waxay sheegtay inay xiriir soo jireen ah la leedahay Puntland.

Waxaa qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya laga ilaaliyay in lagu xuso in Puntland ay ka tirsan tahay Soomaaliya, meelna laguma soo hadal qaadin Soomaaliya. Waxayna farriintan u muuqatay mid Itoobiya kusii xoojineyso duullaanka iyo fara-gelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Muddo ku dhow labo sano waxaa taagna khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, laakiin maamulka uu Siciid Deni hoggaamiyo ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala laabteen dowladda dhexe, kadib markii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen dastuur aanay qeyb ka aheyn Puntland.

Waxay kale oo sheegeen inay u dhaqmi doonaan sida dowlad madax-banaan oo dhameystiran. Tallaabada ay maanta qaaday Addis Ababa waxay dadka qaar sheegayaan inay kusoo xigto inuu Abiy Axmed qaabilo Saciid Deni oo arrinta laga dhigo mid intaan ka gudo weyn.

Puntland waxay qaaday tallaabo ay kusii kordhineyso xiisadda kala dhaxeysa dowladda dhexe. Waana farriin aan u fiicnayn nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh oo dunida usii sawireysa inuu madaxweynaha isku hayn la’yahay dalkii.

Labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiisad culus dhex taalay tan iyo 1-dii bisha Janaayo ee sanadkaan, markaas oo ay Itoobiya heshiis la gashay Somaliland, kaas oo la xiriiray qeyb kamid ah biyo baddeedka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Muqdisho marna xiriirka uma jarin Addis Ababa intii ay xiisaddan taagneyd, balse maanta ayay qaaday tallaabaddii ugu cusleyd ee ka dhan ah xadgudubka Itoobiya, iyada oo ceyrisay safarkii Muqdisho u fadhiyay, islamarkaana xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Hargeysa iyo Garoowe

“Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood,” ayaa lagu yiri qaraarka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxaa talo deg deg ah uga baahan sida ay uga hortagi karto wada-hadallada ay Itoobiya kula jirto xilligaan maamullada kale ee dalka, kuwaasi oo haddii iyaguna heshiisyo la galaan Itoobiya ay uga sii dari karto xaaladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xilligaan wajaheysa waqti adag oo gudaheeda ah oo aan la inkiri karin, marwalbana waa wax la filan karey inay dalalka deriska ka faa’iideystaan khilaafka u dhaxeeya Soomaalida.