FAL-CELIN: Maxaa iga qeylisiiyay?

Waxaan dhawaan qoray maqaal kusoo baxay boga caanka ah ee Caasimada.com kaas oo ahaa fariin ku socota madaxweynaha Somalia, dawlada cusub iyo shacabkaba. Qoraalkaas ayaa waxa ay dad badan ka bixiyeen fikrado kala duwan oo uu qofba dhinac la aaday. Markaas waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago arin igu dhacday oo markii hore anaan rabin in aan cidna u sheego.

Arintani waxay laxiriitaa riyo aan ku riyooday habayn aan sii fogayn oo aan seexday sababta anan markii hore u rabin in aan sheego waxaa weeye, waxaa jira xadiis Nabiga (SCWS) oo dhahaya “Riyada fiican Allaah ayay ka timid markii aad aragto, riyadaada ha u sheegin ilaa dadkii aad jeceshahay mooyaane, laakiin markii aad aragto wax aad necbaysato ilaah ka magangal shaydaanka dayrada ah xumaantiisa, sadex jeer wax tuf, cidna ha usheegin run aahaantii waxba kuu dhimi mayso” waxaa wariyay Bukhaari (buuga fasiraadaha, bogiisa 65220) sababtoo ah dadka qaarkood waa xaasidiin. Waad ogtihiin sheekadii nabi yusuf calayhi salaam iyo in uu aabihiis nabi yacquub calayhi salaam uga sheekeeyay riyo uu arkay isaga oo leh “Abbow waxaan riyo ku arkay kow iyo toban xidigood, dayaxa iyo qoraxda iyagoo ii sujuudaya” (sarut yusuf) yacquub wuxuu wiilkiisa kula taliyay in uusan riyadiisa u sheegin walaalihiis baqdin uu qabay in uu shaydaan wax ku tuuro oo masayr dartiis ay yusuf dabin u dhigaan. Riyadu markaaas ma’ahan wax qofkastaba loo sheego, laakiin waxaa jirta Riyo, katimid shaydaan, riyo katimid nafta iyo mida katimaata xaga Allah.

Dhowr sano ka hor ayaa aniga oon tan iyo caruurnimadaydii riyo xusuus mudan ku riyoonin ayaa halmar waxaa igusoo booday riyooyin isdaba jooog ah oo ku saabsan arimo culculus kana duwan riyooyinkii caruurnimada oo marka aan soo tooso aan waxwalba si cad cad u xusuusnahay. Markaas ayaan bilaabay in aan akhristo bugaagta islaamiga ah ee ka hadlaya riyooninka iyo sida loo fasiro, waxaana ogaaday ugu dambayntii fasiraada riyooyinku in ay tahay cilmi uu ilaahay bixiyo oo aan buug la akhriyay oo kaliya laga baran Karin.

Riyooyinkaygii waysii socdeen si isdaba jooga ah, markaas ayaan ilaahay baryay aniga oo waydiistay in uu I baro fasiraada riyooyinka. Idiin faani maayo oo idin dhihi maayo allaha waa i baray, laakiinse waxaa rumoobay riyooyin badan oo aan ku riyooday. Waxaana kamid ah in wakhti sii horeeyay ay ilasoo gudboonaatay xaalad adag oo aan u baahday talo sax oo aan uga boxo xaaladaas taladaas oo aan ogaaday ilaahay mooyee in qofkale aanan kaheli Karin. Habayn walba waxaan akhristaa quraan, iyo aayatul kursiga inta aanan sexanin ka hor. Habaynkii dambe ayaan waxaan Allah ka baryay in uu talada aan u baahanahay ee saxda ah uu igu tuso riyo kadibna waan seexday waxaana arkay riyo, laakiin si aan ufasiro ayaan garan waayay.

Habayn kale ayaan hadana waxaygii akhristay markaas ayaan hadana Allah baryay baryadaydiina waxaa ka mid ahaa kalmadahan “Ilaahow waan ku baryay waxaana arkay riyo laakiin malihi xigmadii aan ku fasiri lahaa ilaahow waxaad I tustaa riyo cad waxaadna isiisaa xigmadii aan ku fahmi lahaa” kalmad kalmad uma xasuusto laakiin macnaha ducadayda intaas ayaa ugu muhiimsanaa kadibana waan seexday. Habaykaas riyadii aan ku riyooday waligay intaan noolahay uma malaynayo in aan iloobi doona waxaana ka fahmay fasiraad cad oo anoo macneheeda ku qanacsan ayaan soo toosay. Taladii ay xambaarsanayd allah wuu I waafajiyay waxaana aaminsanahay in aan dhibaato weyn uga badbaaday. Waxaa jira kuwo kale oo kasii yaab badan laakiin majecli in aan wada sheego waxana u gudbayaa midii aan horay idiinku Balkan qaaday.

Habayn aan sii fogayn ayaan seexday markaas ayaan riyooday waxaan ku riyooday inaga oo daawanaya madax tooyada Somalia oo la dhisayo, waxaan arkay iyada oo saqafka (roof-ka) kore ee guriga laga dhigayo caws qalalan ana waxaan islahaa maa laga dhigo dhagax. iniga oo isla riyaadii ku jira ayaa waxaa igusoo dhacday cawskaas oo u dabqabsday kadibna uu gurigii gubtay, madhicin arintaasi laakiin way igu soo dhacday markaas ayaan ka xumaaday arintii markaas ayaan dadkii wax dhisayay xagoodii u dhaqaaqay waxaana si aan gabasho lahayn u dalbaday in guriga Villa Somalia laga badalo cawska oo saqafkiisa laga dhiga dhagax, dadkii oo ilayaaban oo I fiir fiirinaya ayaa si dagdag ah ugu dhaqaaqay amarkaygii, laakin waxaan arkay iyaga oo dhagxaantii, si khaldan u safaya oo taag taagaya meeshii ay seexseexin lahaayeen sida layeelo marka saqafka ama roofka kore ee guriga la daboolayo. Markaas ayaan fuundiyaashii guriga dhisayay shaqadooda gacanta lagalay aniga oo bilaabay in aan dhagxaantii sida loogu talo galay isku dayaya in aan seexseexiyo, dadka meesh tuurnaa oo dhan waxay daawanayeen aniga oo shqadii fulinaya. Sidaasna uu gurigii Villa Somalia ku noqday guri wada dhagax ah oo qurux badan. Kadib waan soo toosay riyadaydii waxba kamasoo qaadin oo hawlahayga ayaan isaga mashquulay.

Habaynkii dambe ayaan hadana seexday; markale ayaan hadana riyooday waxaan ku riyooday aniga oo jooga madaxtooyada ama meel udhaw oo xarun dawladeed ah, waxaa halkaas joogay dad xooga ah waxaana kamid ahaa madaxweynaha Somalia oo wata boorso kuwa gacanta ee faylasha lagu qaato ah, boorsadii ayuu furay wuxuuna soo bixiyay warqad wuxuuna sheegay “tani waa khudbadaydii oo aan ugu talo galay in aan shacabka u jeediyo ila fiiriya oo talo iga siiya ma idinla fiicantahaya?” riyadii ayaan wali ku jiraa dad badan ayaa usoo dhawaday warqadii ayay fiir fiiriyeen waxbay sheeg sheegeen aanan maqlayn anigu wax talo ah oo ay sheegeena ma aanan maqal, markii dambe madaxweynihii kaligiis ayuu kursi isaga fariistay isaga oo buursadii intuu jiinyeer ku xiray dhabta saartay bilaabayna in uu fakaro, markaas ayaan waxaan damcay in aan intaan u tago oon lafiiriyo warqada aan talo kasiiyo. laakiin waan ku dhiiran waayay waxaan ka cabsaday in uu I dhoho yaatahay? Yaa ku yaqaan?, yaa ku keenay meeshan? Ama wax noocasa oo aan garan waayo si aan uga jawaabo. Markii dambe wuu iska tagay. Markaan soo toosay ayaa waxaa dib iigu soo noolaatay riyadii habaynkii hore waxaana ii soo baxday in lagaba yaabo in riyooyinkani ay xag ilaahay ka socdaan.

Riyadii hore ee Villa Somalia markii hore sii aan u fasiro mahubin laakinse waxan cadaystay markaan tan dambe arkay, waxaan ku fasiray riyada dambe in madaxweynaha Somalia uu u baahan yahay talo sax ah oo ku saabsan siyaasada dalka ilaa hadana uusin helin, lagana yaabo sababta uu ilaahay ii tusayo in ay tahay in aan ku dhiirado in aan lataliyo.

Tii hore ee guriga villa Somalia cayska lagu daboolayayna waxaan u fasirtay in talada lagu dhisayo gurigaas ay tahay mid nugul oo sida cawska dabku uu uleefo ay siyaasada wareersan ee Somalia u leefi karto, taladii aan bixiyay ee ahayd in dhagax laga dhisana ay tahay talo adag oo waari karta, dadka ila yaabanaa ee indhaha igu taagayna ay yihiin lataliyayaasha madaxtooyada iyo dowlada. Markii aan sidaas u fasirtay labdii riyo ee isdaba socotay ayaan is waydiiyay bal talada aan madaxweynaha iyo dawlada Somalia ku kordhin karo maxa y noqon kartaa?, mudo ayaan fakarayay waxaana kaloo ka fakarayay bal meesha aan taladaas u marin karo dawlada iyo madax weynaha. Meelkale oo aan ka gaaro anigu ma aqaan hadii aan aqoon lahaa si private ama qarsoodi ah ayaan ugu diri lahaa laakiinse xiligan isaga ah saxaafada meel aan ahayn oon u marin karo ma aqaan. Talooyin badan ayaa igusoo dhacday tii ugu horasay waan soo gudbiyay waxayna ku saabsantahay arinta Jubooyinka, madaxtooyada iyo siyaasada. laakiin intii ugu muhiimsanayd wali waan soo wadaa.

Waxaan jeclaan lahaa dadka somaaliyeed iyo madaxda dalkuba in ay ila fiiryaan talooyinkan bal in ay leeyihiin wax waanaag ah oo laga fii’iidi karo. Waxaan oo dhan waxaan idiinku shegayaa in aan idin dareensiiyo in waxa aan soo qorayo in aysan sinaba uga qayb ahayn kooxa kooxaysiga ka socda Somalia, qof ku xumayn ama dano kale oo qarsoon laakiinse aan maskaxda ku hayo oo kaliya wadankeena oo hagaaga, dadkeena oo heshiiya, iyo in aynu dhisano guri maguuraana oo dhagax ah oo ay inaga dhaxlaan jiilalka soo socda intii aan dhisan lahayn kuriga cawska ka samaysan oo barri markii dhimbilo yar taabtaan guban doona, sida aan uga baqay in riyadaydu ay ka digayso.

Hadiiba ay fariintano si uun u gaarto madaxweynaha, waxaan leeyahay ha ka xumaanin qoraaladayda, hana kuu noqdaan dhiiri galin, madaxweyne dadkiis la tashanaya waa calaamad aad u fiican, talada fiicana ilaah ha ku waafajiyo. Waxaadna ogaataa “NIN XILQAADAY EED QAAD” marka in lagu eedayn doono shaki kuma jiro laakiin wixiii sax ah same nina ha, ka qaadanin wax Alle hortiisa aadan waji uga helaynin.

Dadka kale waxaan u sheegayaa, Villa Somalia waa meesha looga taliyo Somalia hadii aad rabtaan in ay noqoto hoy barwaaqo ah oo khayr iyo cadaalad laga dheefo waa in aad ka hartaan wax walba oo xumaan ah, kala qaybin ah, xaasidnimo ah, oo aad quluubtiina nadiifisaan. Anigu maanta intaan ayaan awoodaa, maalintii kabadan aan awoodana waan ku tashanayaa, qofwalba waa in uu is xilqaamaa, qofwalba waxbaa ilaah u fududeeyay, qofwalba wixii u fudud oo wanaag ah ha sameeyo, xumaantana ha diido sidaas ayaan ku helaynaa wax walba oo fiican. Waxaan rajaynayaa in aad akhrisan doontaan qoraaladayda dambe hadii alle idmo, Ilaahbaa mahad iskaleh, waxaana idiin rajaynayaa in alaahay riyooyinkiina aduun iyo aakhirab rumeeyo anigana intaas iigu soo duceeya, Dalkeena, madaxdiisa iyo madaxtooyadiisa in ilaah barakeeyana usoo duceeya.

W/Q: Cabdi Cabdulahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gar tahay qoraaga ku saxiixan