Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday.? (Sheeko xiiso badan)

By Asad Cabdullahi Mataan

Waxaan halkaan aqristeyaasheena sharafta leh ugu soo gudbineynaa qiso jaceyl oo ku dhacay gabar kala dooran weysay nin ay jeceshahay iyo nin iyada Jecel deetana baadiyo kasoo hayaantay ee magaalo usoo babac dhigay qiso xun ayaana ka raacday gabadhaas.

Hadaba inagoo jecel inaan aqristeyaasheena ka haqab tirno baahidooda ay bulsho ahaan qabaan, hadana waxaan fileynaa inay sheekadaani qeybo ka mid ah idin xiiso gelin doonto.

Habeen walba oo khamiis ah Jimcana oo geleyso ayaan idiin soo gudbin doonaa qeybaha sheekadaan.

Sheekadu waxay ka bilaabaneysaa gabar la yiraa ‘Safiya’ ayaa waxaa soo doontay wiil la yiraa ‘Jaamac’ reerkoodu waxay deganaayeen baadiyo, xiligaas waxaa inta badan soomaalidu u badneyd in gabadha wiilkii soo doonta la siiyo ama loo diido.

Gabadhu waxay aheyd 21 jir markaas noqotay Inan jigjigatay, waxaana soo doontay Jaamac oo ahaa wiil cidiisu xoolo badan leedahay isna 28 jir ah.

Jaamc gabadhaan wuxuu ku doortay inay tahay gabar qurxoon aadna u dhaqan badan, wuxuuna doonayey inuu ka geeyo Shan Halaad oo Geel ah, 14 Ari ah, Shan Qaalmood oo Lo’a ah iyo Qori, waana laga aqbalay Jaamac, balse taasi waxay aheyd mid lidi ku ah Safiya oo aan dooneyn inay guursato wiilkaan oo xoogaa ahaa nin aan qurux badneyn.

Aabaheed Maxamed ayaa si sir ah ugu sheegay Jaamac inaysan gabadhu dhiniciisa usoo janjeerin, uuna haasaawe la sameeyo, si uu usoo jiito iyana ay u helaan maalkaan maadaama cidiisu ay aheyd cid qani ah.

Haasaawe la sameey maag, laakiin waa ku fashilmay iyadoo ay Safiya ku tiri “Hadii aad mar dambe isoo raacdo ogoow wax fiican igalama kulmi doontid.”

Haasaawe halkaas ayuu ku idlaaday gabadhiina ninkii diiday balse isagu waxaas uma jeedo oo wuxuu leeyahay: “Nin geel leh gabar ma waayo.” Fildarro ayaase lagu diidayaa geliisa badan oo uu yardaha u wado.

Subax iyadoo aroortii ah xilli uu lisay Halo isku sidkan ayuu arkay Jaamac, Safiya oo inta Labeen ay xalay dhigatay kusoo subkatay aad u moodo cadceed soo iftiimeysa, joogna Allah waa ku maneystay, Jaamac wuxuu is yiri: “Malaha tan lagamaba hari karo, waaba Halo gaagixis.”

Markaasbuu inta is yiri gabadha xoogaa beer laxawso ayuu ku yiri: “Safiya Toobtahaas caanaha ka cab.” Balse loogama jawaab bixin oo inta lasoo eegay ayaa la yiri: “Toobte caano kuma cabo.” Ina Maxamed ayaan ahay, mar dambe ha ila hadlin.” Ayaana dhegihiisa la maqashiiyey.

Jaamac xaalku ku xumaa, meel uu wax geeyo ma lahan beer-laxawsi iyo Haasaawe midna laga diid, mar kale ayuu ku laabtay oday Maxamed oo aan rabin isna inuu gabadha qasab ku siiyo, meelna ay uga muuqato maal usoo carfaya.

Wuxuu ku yiri isagoo dacwo ah waxna soo dhacsan waayey: “Adeer gabadhii Haasaawe iskaba dhaafe xittaa Toobte caano ka cab waa iga diiday.”

Maxamed jawaabta kuma wareerina wuxuu yiri: “Naagna waa soor ragna waa sad bixiye, ee gabadha meel kusoo ogoow.”

Ahkristeyaal halkaas ha inoo joogto qeybtii koowaad ee sheekadii la magac baxday Jaceylkii baadiyo beled miyuu I biday?

Waxaa qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com

Caasimada – Mogadishu.

http://www.facebook.com/ahmedfarahsalaad.jaangoan