Ronaldo oo 1.5 milyan ugu deeqay caruurta Palestine.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa Koobtiisii dahabka aheyd ee abaal marinta loo siiyey markii uu ku guuleystay gool dhalinta Yurub 2011kii, inta uu iibiyey ugu deeqay caruurta ku dhibaateysan Gaza, ee dalka Palestine, sida laga soo xigtay RT.com.

Sida lasoo sheegayo, barnaamijka la yiraa Real Madrid Foundation ayaa caawimaad ku bixisay dhismaha 167 School oo ku kala yaala 66 dal oo kala duwan.

Real Madrid Foundation (FRM) ayaa dhowaan heshiis la gashay Memorandum of Understanding (MoU) kooxda Santiago Bernabeu ayaana heshiiskaas ugu talo gashay in laba School oo Sport-ga lagu barto ay ka furto dalka Pakistan.

Ronaldo ayaase deeqdaan uu bixiyey waxay tahay mid isaga u gaar ah waxayna gaareysaa 1.5 milyan oo euro. Wuxuuna ugu talo galay in lagu kaalmeeyo caruurta ku dhibaateysan Gaza.

Sanadkii lasoo dhaafay ayuu sidaan oo kale u iibiyey kobihiisii ugu qaalisanaa wuxuuna ku deeqay caruur dhibaateysan, Cristiano ayaa waayadii dambe saameyn ku lahaa xittaa Cubitaalada ay ku jiraan caruurta Kansarka qabta, wuxuuna dhowaan booqday Cusbital ay caruur cudurkas qabtaku jiraan mar uu xulkiisa kala qeyb qaadanaayey kulankii isreebreebka Koobka aduunka.

Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee abid lagu kala iibsado kubada cagta markii ay Real Madrid 2009kii kula wareegtay aduun dhan 94 milyan oo euro. Wuxuuna sanadkii mushaar ahaan uga qaataa 12 milyan oo euro.

Maxaad ka dhihi laheyd caawinaadaan uu Ronaldo u sameeyey caruurta dhibaateysan ee Palestine?

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.