Messi: Pep Guardiola waa macalinka caalamka ugu fiican.

Lionel Messi ayaa sheegay in macalinka laga doondoonayo Premier League horyana usoo leyliyey Barcelona Pep Guardiola uu guul ku gaari karo meel walba oo uu tago.

Ninka sedaxda mar ee isku xigta ku guuleystay Laacibka caalamka ugu fiican ayaa rajeynaya inuu mar kale gacanta ku dhigo abaal marintaas, wuxuuna macalinkiisii hore u rajeeyey inuu guulo gaari doono.

“Guardiola wuu guuleysan doonaa meel walba oo uu tago. Caadiyan waa mid ka mid ah tababareyaasha caalamka ugu fiican,” ayuu yiri Lionel Messi.

“Aniga ahaan wuxuu ii yahay macalinka caalamka ugu wanaagsan wuu guuleysan doonaa midaas shaki iigama jiro. Wuxuu aadi doonaa meel walba oo uu rabo nasiib wacan ayaan u rajeynayaa.”

Messi ayaa ku dhow inuu jebiyo Rikoorka gool dhalinta Gerhard Müller ee halka sano wuxuuna dhaliyey xidiga Barcelona 80 gool laga soo bilaabo Janaayo sanadkii hore halka uu xidigii hore ee Bayern Munich horay u dhaliyey 85 gool, Lionel ayaana loo arkaa inuu fursad badan heysto oo uu ku jebiyo Rikoorkaas.

“Keliya waxaan arkay sawiradiisa isagoo ciyaaraya. Waxaad u arkeysaa inay yareyd fursad uu ku helo inuu gool dhaliyo.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.