Juan Mata oo soo dhoweeyey magacaabista Rafa Benitez.

Juan Mata ayaa Chelsea kusoo dhoweeyey tababaraha ay isku wadanka yihiin ee Rafa Benitez ka dib markii kooxda laga raacdeeyey Roberto De Matteo.

Blues ayaa Benitez u magacaawday tababareheeda ku meel gaarka ah shalay ka dib ceyritii RDM.

Mata, oo 24 jir ah ayaa si deg deg ah bogagiisa Twitter iyo Facebook ugu mahad celiyey ninkii reer Talyaani markii uu Chelsea ku hugaamiyey FA Cup iyo Champions League.

Laakiin wuxuu sheegay inuu Benitez yahay tababare khibrad leh kooxdana guulo ku hugaamin kara.

Mata ayaa yiri: “Benitez waa tababare weyn.

“Wuxuu leeyahay khibrad fara badan wuxuuna ku guuleystay koobab badan intii uu joogay Liverpool, waxaan filyaan inuu yahay macalin heer sare ah.

“Sidoo kale wuxuu garanayaa horyaalka Premier League.”

Tababaraha reer Spain ee lixda sano lasoo joogay Liverpool ayaa isna ka hadlay kooxda Stamford Bridge oo qandaraas waqti kooban ah siisay ka dib eryidii Roberto Di Matteo.

“Waxaan u maleynayaa waa koox sare kuwaas oo doonaya inay koobab u tartamaan. Waxaan ka fikiri doonaa hal kulan waxaan hada isku deyeynaa inaan guuleysano kulankeena soo aadan.”

52 jirkaan ayaa sidoo kale ka hadlay taageerayaasha Chelsea oo  markii ay magacawgiisa maqleen ku mudaharaaday, sheegayna inaysan u baahneyn.

“Taageerayaasha dhan waxay tababaraha ka doonayaan hal sheey, taasina waa guusha.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.