Aw-Libaax iyo Wafti la socda oo ka degay magaalada Kismaayo.

Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaaladaasi uu ka soo dagay Wafdi balaraan oo uu hogaaminayo gudomiyaha Maamul usameynta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo  Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf.

Wafdigaan ayaa waxaay saaka ka dhoofeen magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya waxaayna ka kobnayeen 8 xubnood oo iskugu  jira Gudiga Farsamada iyo waliba saxiixeyaasha Qorshaha Nabad ee Jubbaland xubnaha aan magacyadooda helnay ee wafdigaan ku jira ayaa waxaa ka mid ah Muqtar Sahal  Muqtaar dheere iyo Cabdicasiis.

Wafdigaan ayaa waxa si heer sare ah  lagu soo dhaweyay Garoonka  Magaalada Kismaayo halkaas oo la arkayay  dadweyne Caleemo qoyaan ku soo dhaweynaya wafdigaan.
So dhaweynta wafdigaan waxaa qayb weyn ka qatay Maamulka kmg ah ee Magaalada Kismaayo iyo Guud ahaan  Shacabka Magaalada Kismaayo.
Xubnaha wafdigaan oo ah kuwa sida rasmiga ah  gacanta ugula jira Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxa lagu wada  in ay xaliyaan madmadow soo kala dhexgalay  beelaha dagan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo ku saabsan kala aragti duwanan  ka jirta  dhismaha Maamulka iyo isku dheelitirka Ciidamada ka howlgala Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale  Socdaal wafdigaan ay ku yimadeen  magaalada Kismaayo ayaa ah mid qadanayo mudo  waxaana xubnahaan hor yaala howl culus oo ay ugu horeyso .
Xalinta Khilafadka Jira
Casumida Ergoyinka shirka ka qayb galaya
Diyaarinta qorshaha uu shirka ku soconaayo
Furida Shirweynaha  Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo
qabashada Doorashada Madaxweynaha Jubbaland iyo  Arimo kale oo badan waxaana  arimahaasi oo dhan ay noqonayaan kuwa  howl badan ay ka so keeyso.
Ugu  danbeyn Shacabka Magaalada Kismaayo ee qaybta  ka qatay so dhaweynta Masuliyintaani ayaa waxaay rajo weyn ka mujiyeen  Dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland Staet  ee lagu wado in ay ku midobaan Gobolada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo.