Muqdisho: Askar shacabka dhibtay oo sharciga la marsiiyay.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan waxaa uu ku rideen Askar ka tirsan Dowlada oo eedaysanayaal ah.

Askartaan ay Maxkamada Xukuntay ayaa waxaa lagu eedeeyay falal burcadnimo ah oo ay hantidooda kaga dhaceen dad shacab ah.

Tirada Askar ee Xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa ay gaarayaan tiradooda Shan ruux oo sida ay u kala dambi waa wayn yihiin loo kala saaray.

Labo kamid ah shantooda waxaa lagu xukumay Labo Sano oo xarig ah halka labo kale lagu xukumay shan Sano halka Kanshanaadna la siidayay markii dambi lagu waayay.

Xukunka Askarta Dowlada ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka shalanbood ee gobolka shabelelaha hoose oo dhaca ugu badan ay ciidanka dowlada  ka  gaystaan.