Garsoore Mark Clattenburg oo lagu waayey eedeymihii Chelsea.

Garsoore Mark Clattenburg ayaan laga qaadi doonin talaabo dhinaca Dishibiliinka ah ka dib markii lagu waayey dambi ah inuu hadalo aan habooneyn u adeegsaday ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea John Obi Mikel.

Warbixin ay soo saareen xiriirka Kubada cagta Ingiriiska FA ayaa u qorneyd sida tan: “FA-ga waxay soo gabagabeeyay baaritaankii la xiriiray eedeymihii loo heysto garsoore Mark Clattenburg intii ay socotay ciyaartii Chelsea iyo Manchester United ee 28kii October.

“Wax talaabo ah lagama qaadi doono Mr Clattenburg.”

Chelsea ayaa horaan Clattenburg ugu eedeysay inuu hadalo aan habooneyn ku yiri Mikel taasoo lagu sheegay inay aheyd “Aamus Daanyeeryahow” kulankii ay guul darro 3-2 ah kala kulmeen Red Devils.

Dhanka kale Mikel ayaa taas bedelkeeda waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu isticmaalay hadalo aan habooneyn oo hanjabaad ah iyo sidoo kale inuu aflagaadeeyey garsooraha ka dib ciyaartii Man United.

Ururka ay ku mideysan yihiin Garsoorahaasha Ingiriiska xoghayahooda Alan Leighton ayaana Chelsea ugu baaqay inay Raali gelin buuxda siiso Garsoore Mark Clattenburg.

“Garsoore Mark Clattenburg wuxuu u qalmaa in raali gelin buuxda ay Chelsea siiyo. Sidoo kale wuxuu u qalmaa in la siiyo qarashkii uu waayey mudadaas, sharaftiisii looga ciyaaray iyo murugadii uu ay geliyeen.” Ayaa ku qorneyd warbixin uu soo saaray xoghayuhu.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.