Fal-celin xooggan oo ka dhalatay magacaabis nooc cusub oo uu sameeyay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sameeyay magacaabis nooc cusub ah, isaga oo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga u magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ergeyga cusub ay aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, wuxuuna kula dardaarmay dardar-gelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo xuquuqda soo-galootiga.

Magacaabista ergeyga cusub ayaa lagu baahiyay bogga Villa Somalia ee Facebook, waxaana ka dhalatay fal-celin xooggan oo la xiriirta shaqada ergeyga cusub iyo erey bixinta xilkaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.

Marwo Maryan Yaasiin Xaaji ayaa noqoneysa ergeygii saddexaad ee isla bishaan April uu magacaabo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba, Sidee ayaa looga fal-celiyay arrintaan?

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed kaga fal-celiyeen magacaabista cusub ee uu sameeyay madaxweynaha, Hoos ka aqriso:

Farxiya Filsan: “Waa wax loo baahanyahay waa in laga warqaba wixii so galaayo waddanka.”

“War ergadan maxay ahayd?,” ayuu yiri Axmed Dayib Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ee lagu baahiyay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Cabdiraxmaan ayaa isagna waxa uu yiri “Yaa soo galooti ah?, kuwii udhashaa ka tahriibaye oo faarujinooye dalka. Xilkii ugu xumaa aan maqlo waye muu iska magacawdo (madaxweynaha) ergeyga la dagaalanka arimaha tahriibka iyo shaqo la’aanta.”

“Shaqa abuur farsameysan ayuu wada madaxweynaha.” ayuu yiri Maxamed Shiine. – “Ergay badana Madaxwayne,” ayuu yiri Cabdishakuur Xaaji Khaliif.

Aadan Salaad ayaa isagna yiri “Waa u qalantaa Marwo Maryan mudo fogna qaranka waa usoo shaqeysey hambalyo.”

“Soomaaliya ayaa soo galaya, iyada ayaa laga sii yaacayaaye,” ayuu yiri Sakariye Cumar Akabbe oo kamid ah dadka la-yaaban ergeyga cusub ee madaxweynaha uu maanta magacaabay.

Cabdiraxiim Maxamed oo ka fal-celiyay magacaabistan ayaa yiri “Soo-galooti waxaa wax siin kartaa marka kuwaaga wax la haleesho. Imika caruur Soomaaliyeed ayaa daryeel xumo amni darro usii dheer tahay ku nool. Xukunka afka waa ka fudud yahay laakiin tii Alle ayaa meel taalo.”

Madar ayaa isagna yiri “Waa tallaabo muhiim oo waqtigeedi ku beegantay. Kaliya yeyna noqon mid laga macaasho ama in wax lagu cuno madaxa caruur bahaan.”

“Madaxwayne caruurta garanaye, Soomaaliya soo-galooti bay leedahay iyada ayaa laga cararayaaye, bal madaxwayne soo galootiga ku laabo oo waxkale u bixi,” ayuu yiri Maxamuud Cilmi Xaashi oo kamid ah dadka la fajacaysan erey bixinta ergeygaan cusub iyo shaqada uu madaxweynaha u igmaday.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wax ka yar sanad magacaabay 5 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood.