Askar lagu dilay Soomaaliya oo la siinayo lacag magdhow oo malaayiin dollar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoysaska askarta ciidamada howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2007-dii ayaa la shaaciyay in 200 milyan oo doollar magdhow ahaan loo siin doono.

Magdhowga lacageed ayaa lagu dallacay howl-galka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika, iyada oo in ka badan $175 milyan oo lacagtan kamid ah ayaa ku baxaysa magdhowga qoysaska askarta looga dilay dagaalka Soomaaliya.

Halka $15 milyan oo kale la siinayo kuwa ku dhaawacmay ama ku naafoobay howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Sida ku cad heshiis is-afgarad ah oo ay kala saxiixdeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika, waxaa $50,000 la siin doonaa qoyska askari kasta oo howl-galka ku dhintay, halka dhaawacyada ama naafada lagu bixinayo qadar lacageed oo gaaraya $10,000.

Madaxa Midowga Afrika ayaa dhawaan shaaciyay in ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka kala socday dalalka Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya ay ku dhinteen gudaha Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay.

Askartan ayaa la dilay iyaga oo ku guda jira howl-galka nabadeed oo aan weli laga gaarin natiijooyinkii loogu tala-galay.

Khasaaraha u badan ee ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) soo gaaray ayaa la sheegay inuu ahaa waayihii ay ku cusbaayeen Soomaaliya ee howl-galku uu bilowga ahaa, iyada oo kiisaska qaar aan si saxan loo diiwaan-gelin oo suurta gal ay tahay inay jiraan askar la dilay oo aan diiwaanka lagu darin.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya in ka badan 16-sano kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, waxaana howl-galkaan ka soo gaaray khasaare lixaad leh oo aan horay ugu dhicin ciidan dal kale loogu diray nabad ilaalin.

Ciidanka ATMIS ayaa wuxuu khasaaraha ugu badan ka soo gaaray weerarro toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Leego, Ceel-cadde, Ceel-baraf iyo saldhigyo kale oo khasaare baaxad leh loogu geystay ciidankaan Soomaaliya uga howlgala magaca Midowga Afrika.