Xoghayaha NATO oo safar kedis ah ku tegey Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa booqasho aan hore loosii shaacin ku tegey Khamiistii dalka Ukraine, taasoo ah booqashadiisii ugu horraysay ee uu dalkaasi ku tago tan iyo markii uu bilawday duullaanka Ruushku ku qaaday dalkaas, in ka badan sannad.

Xoghayaha NATO ayaa booqasho ku tegey goob lagu xusayey askartii lagu dilay dagaalka, isaga oo indha indhayn ku sameeyey qalabkii milateri ee Ruushka ee la burburiyey oo lagu soo bandhigay caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Stoltenberg ayaa marar kala duwan muujiyey sida dalalka NATO ay diyaar ugu yihiin inay dalkaas ku caawiyaan agabka milateri ee ay u baahan yihiin ciidamada Ukraine, xilli ay sii kordhayso awoodda isbahaysiga NATO, ka dib markii dalka Finland uu ku soo biiray isbahaysiga, taasoo jawaab u ahayd, duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

Dalka Sweden oo codsaday inuu ku biiro isbahaysiga NATO ayay ansixiyeen dhammaan dalalka xubnaha ka ah, marka laga reebo Hungary iyo Turkiga.

Denmark iyo Holland oo xubno ka ah NATO ayaa ku dhawaaqay khamiistii inay iska kaashanayaan inay hub kala duwan ku caawiyaan dalka Ukraine.

Wasaaradaha difaaca ee Holland iyo Denmark ayaa sheegay in Taangiyo kala duwani inay diyaar u yihiin in la geeyo Ukraine horraanta sannadka soo socda. Waxana labadan dal ay wadaagi doonaan kharashka ku baxaya oo gaadhaya illaa $180 milyan.

VOA AP, AFP + Reuters.