Falanqeyn: Itoobiya ma fulin doontaa dhamman heshiisyadii ay la gashay Farmaajo?

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqday dalka Itoobiya, wuxuuna halkaas heshiis kula soo saxiixday Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Heshiisyada ay dowladda Itoobiya la saxiixatay Soomaaliya waxaa ugu muhiimsana qodobada soo socdo:

  1. Inay Dowladda Itoobiya kusoo xud gudbin madaxbanaaniada Soomaaliya.
  2. Inay go’aanka dibadda leedahay Dowladda dhexe ee Farmaajo.
  3. Inaysan la kulmin madaxda maamul Goboleedyada iyadoo aan fasax ka heysan dowladda dhexe.
  4. Inaysan Maamul Goboleedyada kala hadlin karin arrimaha ku saabsan qorshaha amniga iyo Militariga.

Haddaba waxaa is waydiin mudan ma fullin kartaa Itoobiya heshiiskii ay la gashay dowladda dhexe, sido kalana daacad maka tahay heshiiska ay saxiiday?

Dadka aqoonta u leh Dowladda Itoobiya ayaa kuu sheegayo inaysan Itoobiya marnaba fullin karin qodobada ugu muhiimsan heshiiskaan.

Tusaale ahaan, Itoobiya macquul maahan inay madaxbananida Soomaaliya ilaaliso, waayo maalin kasta Ciidamo Itoobiyaan ayaa sharci darro kusoo galo xuduudaha Soomaaliya iyo gobolada qaar, midaasna waxay muujineysaa inaysan Itoobiya aqoonsaneyn madaxbanaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Itoobiya macquul uma ahan inaysan xiriir la sameyn maamul Goboleedyada dalka, sababoo ah xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyo, sidoo kalana waxay mar kasta ka shaqeysaa sidii ay isaga horkeeni laheyd dowladda iyo Maamul Goboleedyda, iyadoo heshiisyo ka gashay qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada, weliba waxaa jiro heshiisyo weli qabyo ah oo u baahan in la dhameystiro, marka waxaa la is waydiinayaa sida ay macquul ku noqon karta inay Itoobiya iska dhaafto la macaamiladda Madaxda Maamul Goboleedyda iyadoo aan soo ogeysiin dowladda dhexe maaadaama mararka qaar ay kala hadasho waxyaabo aysan dowladda dhexe ogolaan karin.

Dowladda Itoobiya waligeedba af macaanidda ay kula soo hadashay Farmaajo ayey kula soo macaamili jirtay madaxdii ka horeysay, mana jirto ilaa hadda wax la taaban karo oo ay ka fulisay heshiisyadii horey ay ula gashay Soomaaliya.

Wuxuu Ra’isulwasaraaha Itoobiya afkiisa kaga dhawaajiyey inuu dowladda dhexe kala shaqeyn doono sidii Soomaliya loogu dhisi lahaa ciidamo qaran oo awood leh, balse is waydii sidee dowlad cadaawad naga dhaxeyso uga shaqeyn kartaa inay Ciidamado awood leh noo dhisto.

Dhanka kale, markii la isku soo hadal qaaday arrinta ku saabsan webiga shabelle, waxay dowladda Itoobiya codsatay inay guddi labada dhinac ah loo saaro arrintaas, maadaama aan hadda go’aan laga qaadan karin, midaasna xoogaa waxay keentay shaki ku aadan inay Itoobiya diyaar aheyn inay Soomaaliya arrintaas kala heshiiso.

ugu dambeyntii dowladda Itoobiya markii ay aragtay siyaasad adeegga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey go’aansatay inay afka u maceyso sidii ay lugaha ula soo geli laheyd siyaasadda Dowladda dhexe, waxaana madaxweyne Farmaajo u haboon inuu iska ilaaliyo dowladdaas aan cadawga nahay isla markaasna uu ula macaamilo si ka fiirsasho leh.