Falastiin oo diiday deeq uu Imaaraadka ugu soo dhiibay Israel oo qorshe laga lahaa

Ramallah (Caasimada Online) – Maamulka Falastiin aya markii labaad diiday shixnad gar-gaar ah oo uga timid Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira in loo soo mariyey Yahuudda, sida ay baahisay wakaaladda wararka AFP.

Tani waxay timid maalin kadib markii diyaarad ay leedahay Dowladda Imaaraadka oo gar-gaarka siday ay ka degtay garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv, sida uu baahiyay TV-ga Kan ee Israel laga leeyahay

“Waxaan diidnay inaan guddoono deeqda sababtoo ah waxaa lasoo mariyey Israel,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha bulshada Falastiin Hussein al-oo la hadlay AFP.

Markii hore, 21-kii bishii May ayaa Dowladda Falastiin waxay sidoo kale diiday in ay guddoonto kaalmo daawo ah oo ay siday siyaarad ay leedahay Imaaraadka Carabta, taasi oo ka degtay Ben Gurion.

Dowladda Falastiin waxay diidmadeeda la xiriirisay xiriir la’aanta mas’uuliyiinta Imaaraadka. Imaaraadka Carabta, sababtoo ah Imaaraadka ayaa deeqda soo mariyey Israel, ayaga oo aan wax la tashi ama wargelin ah siin Falastiiniyiinta.

Falastiiniyiinta waxay tani u arkaan yasmo iyo bahdilaan, sida ay sheegeen fallan-qeeyayaasha siyaasadda Carabta.

Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale rumeysan in doorashada Imaaraadka Carabta ee ah in gargaarka ay kala shaqeeyaan Yahuudda ay tahay tallaabo la doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka ka dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka.

Gargaarka Imaaraadka ayaa imanaya ayada oo Israel ay isku diyaarineyso inay bisha July goosato dhulka Daanta Galbeed, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Israel ayaa rumeysan in haddii ay soo celiso xiriirka dalalka Carabta qaarkood sida Imaaraadka iyo Sacuudiga, ay Falastiiniyiinta ku qasbi karto inay aqbalaan qorshahan.