XOG: Sida ay u kala safan yihiin madaxa dowladda ee uu khilaafka u dhaxeeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya oo aan marna khilaafkooda dibadda usoo bixin saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Caasimada Online ayaa heshay in khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda uu salka ku hayo qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka, islamarkaana ay madaxda hadda u kala jabeen laba garab.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in ay isku saf yihiin madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, halka ay is-raacsan yihiin ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo ku-xigeenka koowaad Abshir Bukhaari.

Inkasta oo Kheyre iyo Farmaajo uusan ka dhaxeyn khilaaf dhanka shaqada ah, haddana waxay ku kala aragti duwan yihiin habka loo marayo doorashada.

Farmaajo, Mursal iyo Muudey ayaa doonaya iney qabtaan doorasho aysan door weyn ku yeelan saamilayda siyaasadda Soomaaliya, sida maamul goboleedyada iyo mucaaradka, taas oo noqon karta mid aan hufneyn dalkana gelin karta dib u dhac iyo xasilooni la’aan.

Kheyre, Cabdi Xaashi iyo Abshir Bukhaari, ayaa dhankooda rumeysan inaan doorashada looga maarmeyn in lagala tashado dowlad goboleedyada, taasi oo ay si cad u sheegeen.

Si gaar ah, Cabdi Xaashi waxa uu damacsan yahay inuu iska rido masuuliyadda saaran ee waajibka dastuuriga ah iyo midda shaqsiga ah ee Xaaladda Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ka soo horjeestay Guddoomiye ku xigeenkiisa labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ku xiran Villa Somalia.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay ka digay in fowdo laga abuuro Golaha Aqalka Sare taas oo keeni karta jahwareer kale oo siyaasad.