Xog: Maamul goboleedka laga yaabo inuu marti-geliyo shirka DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa socdo dadaallo ay waddo beesha caalamka oo lagu qabanayo kulan dhex-mara madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkaas oo qabanqaabadiisa ay leedahay Beesha Caalamka ayaa wuxuu ujeedkiisa ugu weyn yahay sidii is faham loo kala dhex dhigi lahaa Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo muddo uu ka dhaxeeyey khilaaf soo jiitamayey.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa leh doorka fududeyta shirkaas, waxaana la filayaa in Xafiiska UMSOM uu casuumaad u kala diro Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Ayada oo qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dowladda uu khilaaf ka dhaxeeyo, islamarkaana aysan is-aamineyn, ayaa waxaa la filayaa inuu ka dhaco magaalo kamid ah magaalooyinka Maamulka Galmudug, oo hadda la arko maamulka kaliya ee labada dhinac raali ka noqon karaan inuu shirka marti-geliyo.

Shirkaas ayaa waxaa loo badinayaa inuu midkood ka dhici doono magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo uu labaduba ka taliyo maamulka Galmudug.

Madaxda dowladda federaalka ayaan ogoleyn inay tagaan Puntland ama Jubaland, oo khilaaf uu kala dhaxeeyo halka Jubaland iyo Puntland aysan dooneyn inay tagaan Muqdisho iyo Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu tiriyo dhanka dowladda, taasi oo Galmudug ka dhigeysa goobta ugu macquulsan.

Qabanqaabada shirkaan ayaa wuxuu bilowday kadib baaqii dhawaan kasoo baxay Dowlada Maraykanka ee maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe loogu baaqay inay kulan deg deg ah isugu imaadaan.

Sidoo kale wuxuu kusoo aadayaa xilli ay shalay kulmeen agaasimaha sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo ergeyga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Soomaaliya ayaa waxay gashay xaalad kala guur ah, waxaana gabagabo marayo waqti xileedka Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo ay xusid mudan tahay in weli lagu dhawaaqin nooca doorashada iyo waqtiga ay dhici doonto.