Falcelin culus oo ka dhalatay hadalkii uu Sayid Cali maanta kahor sheegay maxkamadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay hadal uu maanta maxkamadda gobolka Banaadir ka hor sheegay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud, oo dhageysiga dacwaddiisa ay ka socoto.

Sayid ayaa markii ugu horreysay ka sheekeeyay sida uu u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, oo uu sheegay in uusan kas u gubin, sida uu maxkamadda kahor sheegay, taasi oo fal-celin xooggan ay ka dhalatay.

Sidoo kale, eedeysanaha ayaa waxa uu sheegay inuu maseeray, kadib markii ay xaaskiisa ku tidhi nin kale ayaan guursanayaa oo adiga nin iima tihid, sida uu ku dooday eedeysanaha ee maxkamadda kahor sheegay maanta

Dadka qaar ee ka fal-celiyay hadalka Sayid ayaa ku tilmaamay mid looga dan leeyahay inuu uga badbaado dil toogasho ah, islamarkaana uu xukunkiisa noqdo xabsi sanado ah, maadaama uu ku dooday in uusan kas aheyn dilka xaaskiisa, sida uu sheegay.

Halka kuwa kale oo ka fal-celiyay ay qabaan in kiiskaan si qoto dheer loo baaro, oo aan lagu deg-degin xukunkiisa, lana hubiyo sheegashada Sayid iyo dhinacyada kale ee kasoo muuqday maxkamadda, si cadaalad u helaan dhamaan dhinacyada.

Haddaba sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Yuusuf Geesey: “Alaab la xaraashayo arki jirnay xey tahay alaab la gubaayo haddana guriga lagu soo dhax gubaayo.”

Maariya Abuukar: “Koley wixii jiro Alle og laakiin nin wax geestay wajigiisa ka muuqata inuu dhiig qofeed ku maqan yahay.”

“Aniga markii hore ma rabin inuu saacan soo gaaro, laakiin markaan dhageystay waa nin maseyray, qofka marka u maseyro inu waalan yahay waxba uma jiro mana is controli karo, markaa waxaan rajeynaya in asaga iyo gabadhaba cadaalad ay helaan,” ayey tiri Aamina Cabdalla.

Cabdirisaaq Farxaan: “Qolka kale hadduu guban yahay, yacni qol an qolka jiifka aheyn kiiskan yaan lagu deg-degin baadhid dheer hala sameeyo.”

“Kas u dil ama kama qofka qof dilo tirka aya sugaya,” ayuu yiri qofka kale oo isna ka fal-celiyay hadalka Sayid Cali.

Xamda ayaa sidoo kale waxay tiri: “Ana hadda fikirkeyga ku darsado. Asaga sabab u ah inay gubato ama kas ha ka ahato ama yeey ka aahinin sababteeda asaga leh.”

Cabdullaahi Siidhi: “Ninkan qareenadu waa difaaceen balse rabiyaa ka hadliyay.”

“Meeshaan miyaan dad caqli lihi joogin ninku asagaba sheegaya inuu shidaalka soo gatay gurigana gubay,” ayey tiri Ayaan Xaaji Badal.

Bile A Turyare: “Guriga inuu gubo ayaaba danbi kala ah mar hadii uu rabay inuu guriga gubo, gurigaas gudihiisa iyo banaankiisaba wax kasta oo uu dabkaas ku sameeyaba asaa ka masuul ah!.”

Maxamed Cali: “Ninkaan dilka asaa qirtay ee waa iska macna dara intaan kadib waxa laga sii baara.”