Falcelin ka dhalatay go’aankii Karaash iyo tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lasoo dhigay Bogga rasmiga ee Facebook ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland, kaasi oo ku saabsana kulankii u dambeeyay ee Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash u la qaatay Golaha Wasiirada, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xoogan.

Qoraalka Bogga Madaxtooyada Puntland lasoo dhigay ayaa waxa lagu yiri “Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,” taasi oo iftiiminaysa in wax walba sidoodii hore yihiin, xili uu Karaash goor sii horeysay uu sheegay in uu xilkii u sareeyay maamulkaas kala wareegay madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Waxa uu Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada, oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, xaalada Dekedda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.”

Dad kala duwan oo ka fal-celiyay qoraalkaas ayaa waxay qaarkood la yaab ku noqotay in Karaash loogu yeero madaxweyne ku-xigeen, halka kuwa kalena ay sheegen in markii horeba ay aheyd ciyaar siyaasadeed la isla oga sida ay wax u socdaan.

“Anaga wax argnay sow asagii lahaa Puntland anaa la waregay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka aragti dhiibtay qoraalkaas. Sidoo kale mid kale ayaa yiri “Dariiqa saxda ah ayaad haysaan madaxweyne ku xigeenku shaqadiisa ha qabsado soo dhaha.”

“Madaxwayne ku-xigeenka saasa lagaa rabaa. Adeerow ilaali sharafta Puntland oo yaysan ku lugoynin rag wakhtigoodii dhamaaday oo Farmaajo ka kow yahay,” ayuu yiri mid kale oo asaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

“Puntland caqliga shaqeeya ee caadifadi ma shaqayso. Puntland wax walba sidii loo qorshayey ayey usocdaan usii socon donaan, Puntland waa dowlad leh dastuur iyo kala danbeyn dowladnimo.”

Arrimahan ayaa imanaya xili uu Axmed Karaash ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho ugu sugan ololaha doorashadiisa madaxtinimada Soomaaliya inuu gudan waayay waajibaadkii dastuurka farayay.

“Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland,” ayuu yiri Axmed Karaash.