Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaaday Villa Soomaaliya, kadib markii ay war culus kasoo saartay xiriirka haatan kala dhexeeya dowlad goboleedyada dalka, kaas oo aad u hooseeyay maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray qoraalkan oo uu uga ‘dhab-hadlayo’ xiriirka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada dalka, ayaa farta ku goday Puntland, isagoo sheegay in tan iyo markii uu xafiiska yimid u uku howlanaa sidii ay wadashaqeyn ula yeelan laheyd dowladda federaalka, balse aysan weli suurtagelin, isagoo balan-qaaday in dadaalo kale u uku bixin doono dhameynta mad-madowga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland.

“Waxaan si gaar ah  hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada, si gaar ahna Dowladda Puntland, si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalka in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland, si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo” ayaa lagu yiri bayaanka culus ee kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Haddaba sidee looga falceliyay hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya?

Maxamed Maxamuud oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa yiri “Dowladnimada inay hirgasho waxaa ka dhiman in Axmed Madoobe meesha la dhaafiyo Garoowena la hoos keeno dowladda federaalka si walba waa soo dhawaynaa in la xoojiyo xariirla labada heer”.

Cabdiraxmaan Harrage oo isna kamid ah dadka ka falceliyay arrintan ayaa ku jawaabay “Caawa maxaa khaldamay miyuu Odayga is dhiibi rabaa?

Cabdullaahi Xasan “Amarkaaga wuxu shaqaynayaa, marka aad ciidan qaran oo xoogan dhisatid”.

Maxamed Khadar “Madaxweyne horey u soco, Maamul Gobaleedyadu qaarna Abiy ha hoostaagan qaarna Habar International community la dhaho intaas waxaan ahayn uma socdaan”.

Maandeeq Axmed “Guuleyso madaxweyne qofkii amarkaada diido ha iska baxo dhulkaan adaa madaxweyne ka ah”

Bashiir Saciid “Madaxweyne waxaa tahay madaxwaynihii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah ee dalkaan burburkii kaddib wax badan ka qabtay”.

Xuseen Jaamac “Muxu yahay nuxurka qoraalkaan hada? Ma dacwa? Ma waa lakala shakiyaybaa? Ma raali galinbaa? Bal cidii fahantay inoo sheega ujeedka qoraalkaam dheer?”