Falcelin xooggan oo ka dhalatay soo qabashadii NISA ee Sufyaan Taakeeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin bulsho oo xoog leh ayaa ka dhalatay war ay maanta dowladdu ku shaacisay inay soo xirtay Sufyaan Taakeeye oo laga soo qabtay magaalada Nairobi, laguna soo xiray magaalada Muqdisho.

NISA ayaa sheegatay galabta soo qabashada Taakeeye, balse xiligii warkaasi uu ka soo baxay waxaa cabsiga laga sii daayey Agaasime Cali Cabdi Xooshow oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, ku dhawaad toddobaad-na NISA ugu xiraa magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkii ka falceliyey soo qabashada Taakeeye ayaa dowladda ku eedeeyey in warka Taakeeye ay ku demineyso warka sii deynta Agaasime Cali Cabdi Cali Xooshow oo la aaminsan yahay in arrimo siyaasadeed uu ugu xiraa NISA, inkastoo aan la shaacin dembiga loo heystay.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey in isaga iyo Xildhibaan Ciid oo baarlamaanka ku metela Agaasime Xooshow ay maanta u tageen Agaasimaha NISA Mahad Salaad, isla markaana uu ka aqbalay dalabkoodii ahaa in Xiooshow xoriyadiisa la siiyo.

Qaar ka mid ah dadkii ka aragti dhiibtay warka soo qabashada Taakeeye ayaa dowladda kula taliyey in sidaan oo kale loo soo xiro Cali Yare Cali oo aad u mucaarada dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, Cali Yare ayaa isna ku nool magaalada Nairobi.

Dhankiisa Cali Yare ayaa aad u taageeray soo qabashada Taakeeye, balse wuxuu NISA ku eedeeyey inay sheegatay awood aysan laheyn, sida uu hadalkiisa u dhigay, sidoo kale Cali Yare wuxuu Taakeeye ku tilmaamay Khawaarij weyn.

Cali Yare ayaa sheegay in Taakeeye Muqdisho laga soo dejiyey maalmo ka hor, balse NISA ay ku demineyso sii deyntii Agaasime Cali Xooshow oo maalmahaan u xiraa hey’adda.

“Khawaarijkii weynaa Taakeeye oo la soo xiray maalmo ka hor, Xamarna ay keentay Dowladda Kenya ayay dheheen aan ka dhigno shaqo aan innaga qabannay, maantana aan ka dhignoNEWS, oo aan iskaga damino wararka Ali Abdi hoshow,” ayuu yiri Cali Yare.

Qaar kale oo ka mid ah dadkii aragtidooda ka dhiibtay soo qabashada Taakeeye waxay dowladda ku bogaadinayee sida ay ugu guuleysatay in ninkaas ay ku soo xirto Muqdisho.

Sufyaan Taakeeye ayaa wareysiyo uu bixiyey bilihii lasoo dhaafay wuxuu dowladda si cad ugu tilmaamay ‘gaalo’ wuxuu sidoo kale sheegay in Shabaab ay ka roonyihiin dowladda, isagoo ku andacoonayey in Xisbi uu hoggaamiyo qabsa doono talada dalka.