FALCELIN xooggan oo ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday R/Wasaare Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo uu wehliyo duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray waddada Taleex ee degmada Hodan, taas oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay, isla-markaana la saaray laami cusub.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay munaasabadda xarig jarka, inkastoo aan meelna looga xusin magaca guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xamza ayaa madasha ka sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan ee caasimada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla-markaana ay si dhow ula shaqeeyaan maamulka gobolka.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday Ra’iisul wasaare Xamza?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaan, waxayna qaarkood tilmaameen in laga haboonaa in ra’iisul wasaaruhu qabto shaqo uu lahaa duqa magaalada Muqdisho, halka kuwa kalena ay tilmaameen inuu yahay shaqo la’aan, sida ay ku yiraahdeen qoraalladooda falcelinta ah.

Ayaanle Cabdi oo kamid ah dadkaasi ayaa falcelintiisa ku yiri “Waxaan shaqadiisa aheyn buu galay”,

Cali Mukhtaar ayaa isna yiri “Ra’iisul wasaaha oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir inaad saas u qortaan bey ahayd”.

Cabdirashiid Maxamed “Ma ra’iisul wasaarihii dhammaa ayaa waddo oo agaasime waaxeed la rabay inuu xarig jaro shaqo nalooga dhigayaa inuu wax qabtay shacbka maanta dhibaatada intaas la’eg loo marsiiyay?”.

Cabdiraxmaan Siyaad “War qurux hano dabeysee saakay ummadda wa rafaaday maalinta xarig jarka maa ka dhigtaan maalin Jimco ah khudbadda ka dib maxaa dhcay?”.

Cali Ciise ayaa dhankiisa guul ku tilmaamay xarig jarka waddada Taleex “Waa guul iyo horu socod wanaasgsan reer Muqdisho guuleysta”.

Liibaax Cumar ayaa isaguna ku jawaabay “Shaqo la’aanta Ra’iisul wasaaha heysa weynaa”.