DF oo shaacisay tirada iyo magacyada madaxda Al-Shabaab looga dilay howlgalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay bayaan ay ku shaacisay tirada, magacyada iyo xilalka horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay howl-galladii u dambeeyay ee maamullada Galmudug iyo HirShabeelle.

Sidoo kale waxaa liiska dowladda ay soo saartay qeyb ka ah horjoogayaasha lagu dhaawacay howl-galladaasi iyo weliba kuwa baxsadka ah ee lagu raadjoogo, kuwaasi oo magacyadooda lagu soo saaray bayaankan.

“Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bil lasoo dhaafay, ilaa 19 Horjooge ayaa lagu khaarijiyay dagaallada ka socda dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda kasoo baxay.

Horjoogayaasha lagu dilay howl-galladii u dambeeyay ayaa waxa kamid ah; Cabdullaahi Xuseen Qodax (Madoobe) waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii qaraxyada ee HirShabeelle, Salaad Cali Geeddi oo ahaa ku-xigeenkii Jabhadaha Shabaab ee Galmudug, Olol Cali Guuleed oo ahaa Abaanduulihii Jabhadaha ee Galmudug, Maxamuud Bashiir Muuse oo ahaa madaxii Jabhadaha ee gobolka Mudug iyo Ciise Barre oo isna ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.

Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in beegsiga lagu laayay inta badan horjoogeyaashii kooxda uu sii dheer yahay 1650 maleeshiyo ah oo lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo HirShabeelle, halka dhaawacuna kor u dhaafay 550 oo maleeshiyo ah.

Hoos ka aqriso magacyada horjoogayaasha isa-soo dhiibay, kuwa baxsadka ah, kuwa kale la dilay iyo kuwa dhaawaca ah;

Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bil ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.

Haddaba halkan waxa aan kusoo gudbineynaa xogta Horjoogeyaasha lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay, kuwa la dhaawacay, inta isi soo dhiibtay iyo kuwa baxsadka ah.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug, magacyada iyo xilalka:

1. Horjooge Khaliif Gaambe waa dhaawac, waxa uu ahaa horjoogaha ugu sarreeyay jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
2. Horjooge Salaad Cai Geeddi waa la dilay, waxa uu ahaa ku xigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
3. Horjooge Olol Cali Guuleed waa la dilay, waxa uu ahaa Abaanduulihii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
4. Horjooge Maxamuud Bashiir Muuse waa la dilay, waxa uu ahaa Madaxii Jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Mudug.
5. Horjooge Shuuke Cali Dheeg waa la dilay, waxa uu ahaa Kuxigeenkii Abanduulaha Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
6. Horjooge Ciise Barre waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.
7. Horjooge Xasan waa la dilay, waa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgali jiray Galmudug.
8. Horjooge Maslax waa dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad Goboleedka Hirshabelle, magacyada iyo xilalka:

1. Horjooge Cabdullaahi Ciilow waa la dilay, waxa uu ahaa kuxigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee hawlgali jiray Hirshabelle.
2. Horjooge Casood waa la dilay, waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3aad ee Jabhadaha Khawaarijta ee ka hawlgalayay Hirshabelle.
3. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax (Madoobe) waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Qaraxyada Khawaarijta ee Hirshabelle.
4. Horjooge Saylici waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Warbaahinta Khawaarijta ee Hirshabelle.
5. Horjooge Bagaax waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii weerarada arbushaadda Khawaarijta ee Hirshabelle.
6. Horjooge dabaashe waa la dilay, waxa uu ahaa Horjooge kooxeed ka hawlgalayay Hirshabelle.
7. Horjooge Sheekh Cabdi waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgalayay gobolka Hiiraan.
8. Horjooge Muhaajir waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii maaliyadda gobolka Hiiraan.
9. Horjooge Axmad Maxamed (Xerow ama Nadiir) waa dilay, waxa uu ahaa horjoogihii Maleeshiyadka gurmadka Khawaarijta ee Hirshabelle.
10. Horjooge Shucayb waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii dabagalka maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha Khawaarijta ee Hirshabelle.
11. Horjooge Yoonis (Shaafici) waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.
12. Horjooge Cabdijabbaar waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.

Horjoogeyaasha isa soo dhiibay Galmudug iyo Hirshabelle:

1. Horjooge Nuur Deeq waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3-aad Khawaarijta ka sugneed Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
2. Yuusuf Gaab waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
3. Nuur Gacal waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Hirshabelle, waa uu isi soo dhiibay.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Hirshabelle:

1. Horjooge Xasan Nuur waa baxsad, waa madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Sh.Dhexe.
2. Horjooge Yuusuf Cali Ugaas waa baxsad, waa madaxa gobolka Hiiran ee Khawaarijta.
3. Horjooge Nuur Macaloow waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa Khawaarijta ee gobolka Hiiraan.
4. Horjooge Mad Gaab waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.
5. Horjooge Yuusuf waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Galmudug:

1. Horjooge Mara-Cadde waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa gobolka Galgaduud ee Khawaarijta
2. Horjooge Nuunuule waa baxsad, waxa uu ka mid yahay horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta gobolka Mudug