Soo qabashada Sufyaan Taakeeye ‘oo billow u ah’ ugaarsiga NISA ee dibadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharciga caalamiga ah ee la-dagaalanka argagixisada aad uma isticmaasho dowladda Soomaaliya, waana midda keentay in la arko dad Soomaaliyeed oo jooga dalal nabad ah oo af iyo adinba ku taageeraya argagixisada.

Majiro waddan ogol inuu deegaan iyo damaanad amni siiyo dadka faraha kula jira shaqooyinka caawinaya argagixisada, marka la eego xeerarka uu jeexay xafiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka argagixisada ee UNOCT.

Shalay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay Muqdisho ka dejisay nin la yiraahdo Sufyaan Sheekh Axmed, oo dadka badi u yaqaanan Taakeeye.

Ninkan ayay hay’adda ku eedeysay inuu garab istaag iyo taageero u muujiyay argagixisada, sidoo kalena uu faafiyay farriimo halis ku ah amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Ninkan wuxuu waayihii dambe deganaa magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Ma ahan wax culus in dowladda Soomaaliya ay dibadda kasoo xirto kuwa argagixisanimada loo haysto haddii ay si sax ah u raacdo baalasha sharciga caalamiga ah ee la-dagaalanka argagixisada, gaar ahaan qoddobada iskaashiga dowladdaha.

Weliba xeerarka Qaramada Midoobay ay u dejisay la-dagaalanka argagixisada, wuxuu si gaar ah u caawinaya dalalka ay argagixisada ku xoogan tahay sida Soomaaliya.

NISA waxay kale oo Jimcihii lasoo dhaafay faafisay inay xirtay nin la yiraahdo Zaki oo ay ku eedeysay inuu argagixisada hub uga soo iibin jiray dibadda. Ninkaan isagna wuxuu deganaa waddanka Kenya.

Soo-qabashada labadaan xubnood ayaa muujinaya inay Soomaaliya billowday dabaqida sharciga caalamiga ah ee la-dagaalanka argagixisada. Inkasta oo aanay dowladda Soomaaliya sheegin kaalinta Kenya ee soo-qabashada labadaan xubnood haddana marka laga hadlayo argagixisada, Kenya waxay leedahay duruufo aan ka yareyn kuwa Soomaaliya ayada oo kooxda dhibaatooyin joogto ah ka geysata gudaha iyo daafaha Kenya.

Labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu heshiiyay inay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada. In ay iska jaanqaadan waqtigaan ayaa la aaminsan yahay in wax badan ka tari karto xasiloonida labada waddan.

Ninkan ay shalay sheegtay NISA inay gacanta kusoo dhigtay ayaa dhawaan lagu xiray waddanka Kenya. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ninkaan lagu sameyn doono baaritaan dheeri ah, si loo ogaado cidda shirkadda kula ah fikirkan kadibna waxaa loo gudbin doona hay’addaha garsoorka ee dalka.

Qoraalka dowladda Soomaaliya waxa kale oo lagu sheegay in hay’adda NISA ay gudaha iyo dibadda ku ugaadhsan doonto kuwa sida muuqata iyo sida qarsoonba u taageera argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu horay u sheegay in aanay wax cudur daar ah laheyn taageerida iyo garabsiinta argagixisada.