XAMAR: Xaawo Jeesto oo geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho,waxaa maanta oo Arbaca ah lagu aasay fannaanada weyn ee Xaawo Yuusuf Cali (Xaawo Jeesto), oo ka mid ahayd fannaaniinta muddo dheer fanka ku soo jirtay.

Marxuumada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay xanuun in muddo hayay, gaar ahaan waxaa madaxa uga dhacay xanuunka Kansarka, kaasoo waxbo looga qaban waayay dalka gudihiisa, sidda ay lee yihiin ehelkeeda.

Allaha ha u naxariisto fannaanada ayaa ka tirsanayd 35-sanno kooxda ONKOD ee ciidanka Asluubta Soonaaliyeed, waxana muddooyinkii ugu dambeesay ku biirtay kooxda Qeylo dhaan ee fadhigooda uu yahay London.

Waxaa la sheegay in marxuumad Xaawo Jeesto ay ahayd guddoomiyaha Qeylo Dhaan ee Muqdisho.

Marxuumadda ayaa la sheegay in aaney waxbo dhalin sidda ay lee yihiin ehekeeda.

Marxuumadda waxaa lagu aasay qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraalka Kaahiye.

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Caasimada Online waxa ay tacsi gaar ah u dirayaan ehelkii iyo asxaabtii ka baxday marxuumad Xaawo Jeesto, waxaana ay lee yihiin kitaabkeeda midig allaha ka siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com