Turkiga oo warbixin cusub ka bixiyey kaashka uu siiyo Dowladda Somalia

Wasiirka arimaha Dibada dowlada Turkey Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in la’aanta kaabayaasha bangiga Soomaaliya ay lama huraan ka dhigtay in dhaqaalaha gargaarka ay si toos oo kaash ah u siiyaan dowlada Soomaaliya.

Ma jiro wax adeeg bank oo ka jira Soomaaliya,sidaasi ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Turkey, isagoo sheegay in dowladiisa bil kastaa ay ugu deeqdo dowlada Soomaaliya 4.5 Milyan oo doolar, waxii ka dambeeyay sanadkii 2013.

Wuxuu sheegay wasiirka arimaha dibada Turkey in taasi ay kaga gol leeyihiin mashaariicda kala duwan oo ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi uu ku dhaco gacanta dowlada.

Ma jiro dhaqaale kale oo gargaar ah oo aan Siino Soomaaliya marka taasi laga reebo , sidaasi ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Turkey.

Dhaqaalaha ayuu sheegay inay ku dhacaan gacanta masuuliyiinta dowlada iyadoo loo marsiinayo safaarada dowlada Turkey ay ku leedahay dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay si toos ah kaga soo baxdo bangiga dhexe ee dowlada Turkey.

“DHaqaalahaasi waxaa bixintooda goob joog ka ah hogaamiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, wasiirka arimaha gudaha iyo maaliyada Soomaaliya, saxiixooda ayaana lagu bixiyaa” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha gudaha ee Turkey.

Caasimada Online

Xafiiska Istanbul

Caasimada@live.com