Ciidanka Itoobiya oo Baladxaawo isaga baxay iyo dagaallo laga cabsi qabo

Balad-xaawo (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Buul-xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad collaadeed, kaddib markii ciidankii Ethiopia ee magaalada joogay ka baxayn.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Shabaakadda Caasimada Online, in ciidanka Ethiopia ee magaalada ku sugnaa isaga baxayn xaley, waxaana magaalada isku hor fadhiya labo ciidano oo kala taageersan maamulka gobalka Gedo iyo Axmed Madoobe.

Ciidanka Ethiopia ayaa la sheegay in ay dib ugu laabtayn magaalada Doolow oo markii horre ay ka yimaadayn.

Xog badan lagama hayo sababta keentay in ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa Baladxaawo dib ugu laabtayn Doolow maadama magaalada ay isku hor fadhiyaan labo ciidan oo ka tirsan dowladda.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Buuloxaawo ka billowday barakac xooggan, waxaana la sheegayaa in shacabkii magaalada ku noolaa ay aadayn dhinaca iyo Mandheera.

Shaley ayey ahay markii labada ciidan ee isku horfadhiya Buulo-Xaawo ku dagaallamayn halakas, waxaana dalkooda ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com