Maxkamadeynta madaxda dalka Kenya oo ay warar cusub kasoo kordheen

Nairobi (Caasimada Online) – Dacwadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo ninka la eedeeysan Joshua Arap Sang ayaa dib u bilaaban doonto Arbacada maanta ah (14-ka May), kadib dib u dhac kooban si loogu oggolaado xeer-ilaalinta wakhti ay ku keento markhaati, sidaana waxa sheegay Capital FM-ta Kenya.

Maxkamadaynta ayuu qorshuhu ahaa in dib loo bilaabo Isniintii kadib fasaxeedii saddexda todobaad ahaa ee ciid-diimeedka Easter-ka, laakin dib ayaa loo dhigay kadib markii ay xeer-laalintu ku guul-darreeysatay in ay maxkamadda horkeento markhaatigii.

Ruto ayaa Nairobi ka tagi doona Talaadada oo aadi doona The Hague taas oo waafaqsan shuruudaha iCC-da ee ah in uu soo xaadiro shanta maalmood ee ugu horreeya kadib fasaxa iyo “in uu shakhsi ahana u joogo marka ay dhibanayaashu soo gudbinayaan dacwooyinkooda”.

Maxkamadda ayaa filaysa in ay dhageeysato marag-furka markhaatiga P0028, oo sida ay sheegayso xeer-ilaalinta haya ‘xog hoose’ taas oo loo isticmaalay in lagu xaqiijiyo dacwooyinka loo haysto Ruto. Xeer-ilaalinta ayaa horay u sheegtay in dhageeysiga marag-furka markhaati P0028 uu qaadan doono bil.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com