ARRIMO XASAASI ah oo lugaha la galay R/W Cabdi Weli iyo mas’uul xog bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin hore leh, ayaa xog cusub ku biiriyey shakigii horey looga qabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ahaa inuu maleeshiyo beeleedyo hubeeyey, dhowr gobolna colaad ka hurinayo, isaga oo u daneenaya maamulka Axmed Madoobe.

Culima’udiinka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ku lug lee yahay, dagaalada soo noq noqday ee ka dhacaaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaadi), ayaa ku waramaaya in Ra’iisal Wasaaraha uu si toos ah ula saftay Maamulka KMG ah ee Jubba, sida horey ay u sheegeen mas’uuliyiin kale..

Afhayeenka, ayaa intaa raaciyay in Maamulka Jubba iyo Ra’iisal Wasaaraha, ay C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) u wakiisheen in uu dagaal ka ooggo buu yiri Degmada Beled Xaawo.

Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq, ayaa sidoo kale sheegay Ra’iisal Wasaaraha markii ugu dambeysay ee uu tagey Magaalada Addis Ababa, in ay isku soo arkayn C/rashiid Janan, isla-markaana uu Itoobiya ugu baaqay in ninkaasi la taageero.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Xuseen, ayaa qeexay maalmo ka hor in diyaarad hub u siday C/rashiid Janan ay ka caga dhigatay Degmada Doolow, si uu dagaal kaga geysto buu yiri Degmada Beled Xaawo.

Al-qaadi ayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya dusha ka saaray in uu masuuliyadeeda qaadi doono, wixii dhiig ah ee ku qubto dagaalada Degmada Beled Xaawo iyo gebi ahaanba Gobolka Gedo, haddii kalana uusan faraha kala bixin waxa uu ka wado buu yiri Gobolka.

Al-qaadi, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu yeeray in uu dib u heshiisiin u qabto Ummada uu ka soo jeedo, kana daayo buu yiri inay hubka isku qaateen, isna dilaan dhexdooda.

Tan iyo markii Cabdi Weli uu booqday Kismaayo, waxaa soo baxayey shaki ku saabsan inuu beelo gaar ah la saaxiibay, islamarkaana uu deegaano ka mid ah Jubbooyinka, Gedo iyo Shabeelaha Hoose ka huriyey colaado, isaga oo si gaar ah hub ugu qeybiyey maleeshiyo beeleedyo.

Baarlamanka Soomaaliya, ayaan weli ka hadal waxna ka weydiin ra’iisul wasaaraha Soomaaliya arrimo beeleedyada uu lagaha la galay.

Dhinaca kale Dagaalkii ka dhacay Degmada Beled Xaawo, ayaa sababay dhimashada 12 ruux iyo dhaawaca tiro kaloo intaa ka badan, iyadoo ay jiraan guryo dhowr ah oo ku gubtay Beled Xaawo, intii uu dagaalku ka sii soconaayay.

Dad badan, ayaa ka cararay guryahooda intii ay xabadu ka soconeysay Degmada Beled Xaawo iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com