Soomaalida Kenya ku nool oo si gooni ah loo takooro kaddib markii Kenya…

Nairobi (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Nairobi ayaa soo sheegaya in Soomaalida ku dhaqan halkaas ay la kulmayaan dhibaatooyin waaweyn, waxaana hadda ugu darsamay marka ay basaska raacayaan in la weydiiyo ID Card ama warqaddo caddeenaya in uu heesto sharci, haddii laga waayo lama qaado.

“Basaska loo yaqaano Mataatuuga ee ka dhex shaqeeya gudaha Nairobi, waxa ay billaabayn in ID Card ama warqaddo sharci ku weydiiyaan inta aadan baska korin, marka aad soo korto adoo leh sharci xittaa waxa si gaar ah indhaha kuugu eegaya dadka kale ee ajnebiga ah gaar ahaan Kenyaanka, kuwaasoo ku arka in aad is qarxin rabto” ayuu yiri wariyaha halkaas noo jooga.

Basaska ka dhex shaqeeya Nairobi
Basaska ka dhex shaqeeya Nairobi

Waxaa la weydiiyay goorta ay arrintan soo billaabatay, wuxuu sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay basaska dadweynaha ay billaabeen in aysan qaadan qof aaney wadan Aqoonsi ama ID Card.

Waa dhibaato kale oo la soo daristay Soomaalida ku dhaqan Nairobi, kuwaasoo waayahan la kulmaayay xarig, jirdil iyo xitaa in la musaafuriyo.

Ma jirto cid ilaa hadda ka had leysa dhibaatada lagu hayo Soomaalida Kenya, dowladda Soomaaliya waxaad moodaa mid ka gaabsatay dhibaatada lagu hayo muwaadiniinteeda.

Waxaa jirta in haween dhowr ah oo ku jiraan kuwa xaamilo ah in dabaq laga soo tuuray markii laga waayay lacag laaluush ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com