Yaasiin Faratoon oo maanta loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta guddoon cusub doortay, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Fartaoon ayaa helay 46 cod, halka musharraxii la tartamayey Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod, sida uu shaaciyay shir guddoonka golaha wakiilada Somaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa ah nin aad ugu dhow madaxweyne Muuse Biixi, wuxuun sidoo kale horay usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Doorashadiisa waxaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan xukuumadda, sida wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo wasiirka warfaafinta Saleebaan Koorre, kuwaas oo garab istaag u muujiyay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada.

Ninkan ayaa beddalaya Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhowaan iska casilay xilkaasi, sababo la xiriira dagaalka Laascaanood, isaga oo sidoo kale kasoo baxay guud ahaan Somaliland.

Faratoon ayaa sidoo kale isna kasoo jeedo gobolka Sool, balse wuxuu kamid yahay ragga ugu tunka weyn ee xisbiga Kulmiye, isaga oo lagu tiriyo saaxibada Muuse Biixi.

Si kastaba, doorashada uu kusoo baxay ayaa aheyd mid la filayay, maadaama todobaayadii lasoo dhaafay ay madaxtooyada dadaal ku bixineysay inuu soo baxo.