Farmaajo iyo Aadan Cadde vs Obama iyo Lincoln: Waxyaabo is leh oo la arkay

Ku dayashada ama ka yeelashada tusaalle tolmoon dadkii kaa horeeyay mar walba waa tubta tagta toobiyaha guusha iyo tan qaddarinta Aadmiga, qof walba oo Banii Aadamna waxaa uu leeyahay shaqsi kale oo uu kaga daydo meelaha qaar, sideedaba ma jirto qof dhan waliba looga dayannayo oo aan ahayn Nabigeena suubban N.N.K.H.

Banii Aadamka intiisa kale waxaa jira qof aad meel uun ka calmatay, islamarkaana aad jecleysatay in aad isaga (Qofkaas) kala mid noqoto meelaha aad ka caashaqday.

Kudayashada iyo calmashada ilaa xad waa ay kala duwan yihiin, mararka qaarna waxaad dhihi kartaa “Qof waliba oo aad kudayatay waad calmatay, balse qof waliba oo aad calmatay kumaadan dayan,” waxaana kala jeeda calmashadu waa jeclaysasho fal uu qof sameeyay ama xitaa laftigiisa inaad jeclaato, dhanka kale kudayashaduna waa in aad sameyso ama aad qaaddo waddo uu maray qof aad jeceshay ama aad ka rumeysan tahay in uu yahay qof wanaagsan oo mudan in lagu deydo, waxaan ummaleeyaa in marka hore aad waxbadan ka fahantay calmashada iyo kudayashada, sidaa darteeda waxaan u xaluullan doonaa mawduucayna iyo danta guud ee qoraalkan.

Arddaygu wuxuu ku daydaa macalinkiisa, cannugga yarna Abbihiisa, madaxwaynayaashana waxay ku daydaan madaxwaynayaashii xilka kaga horreeyay, sidaa darteeda maanta waxaan isbarbardhigi doonaa Maxamed C/lahi Farmaajo oo maamulla Soomaaliya iyo Barack Obama oo horay isna usoo noqday talliyaha Mareykan ka intii u dhaxeysay 2009-2016-kii.

Barack Obama oo kamid ah hogaamiyayaasha ugu caansan ee qarniga 21-aad caalamka, sidoo kalena soo noqday madaxwaynihii ugu horreyay ee midabkiisa madaw yahay soona maamula Aqalka Cad ayaa mar waliba ku sheega Abraham Lincoln inuu yahay dooqiisa ugu wanaagsan ee dadka uu kudaydo.

Sidoo kale ku dayashadiisa afka uun kuma ekayn ee waxaa jirtay falal waa wayn oo muujinaysa jacaylkiisa ku aaddan in uu ku dayan jiray Lincoln, waxaana kamid ah inuu surtay sawirkiisa xafiiskiisa gaar ahaan albaabka hore ee laga soo galo, mar waliba oo uu baxayo waxaa wajiggiisa qabta sawirka Abraham Lincoln, waxay micno ahaan ka dhigan tahay in maalin kasta uu arko hal jeer iyo wax kabadan, waana mid kamid ah waxyaabaha waa wayn ee Obama uu ku muteystay jamaahiirta dhanka kale taageersanaa nolosha siyaasadeed ee Lincoln.

Dhanka kale Farmaajo ayaa isna muujiyay qiimaha uu aktiisa ku leeyahay Aaddan Cadde oo ahaa madaxwaynihii ugu horeyay ee jamhuuriyadda Soomaaliya, inkastoo ay jireen nuxnux hoose oo ay wadeen dadka kasoo horjeeda siyaasadda Farmaajo kaas oo ahaa in Farmaajo uu meel ka dhac u geystay taariikhdana uu ka beensheegay markii uu qorayay buuggiisa jaamacadda.

Tani waxay u eg tahay xaal marin haddii sheekadu tahay sida ay sheegayaan dadka kasoo horjeeda Farmaajo, balse mar waliba waxaa mudnaanta iska leh, in uu sameeyay fal noociisa kii ugu horeeyay oo ah in madaxwayne Soomaaliyeed uu xafiiskiisa ku dhajiyo madaxwaynaha uu jecel yahay, waana shaqo mudan in mar waliba la ammaano.

Waxaan idinla wadaagaynaa laba xikmad oo laga kala hayo labada Masuul ee Obama iyo Farmaajo xilli ay kala cabirayeen shaqsiyadda labada qof ee ay kala taageeraan;

Farmaajo” “Aadan Cadde ma ahayn oo kaliya Madaxweynihii 1aad ee dalka. Waxaa kale oo uu ahaa bud-dhigihii dimuqraadiyadda Afrika.”.

Sidoo kale Obama ayaa hadalkan ku cabbiray muhiimadda uu shaqsi ahaan ulahaa Lincoln wuxuuna yiri “Dhammaanteena waan xasuusan doonaa Abraham Lincoln oo ahaa bad-baadiyaha midawgeena,ahna aas aasihii xisbigga Jamhuuriga,”.

Marka aan is barbardhigno labada hadal ee labada hogaamiye ay ka dheheen waxay muujinaysaa geesinimo iyo gobnimo taas oo ay kaga duwan yihiin dhammaan madaxtii iyaga kahoreeyay.

Waxaan faalladeyda kusoo gabagabeynayaa hadal xikmadeysan oo uu leeyahay Hogaamiyihii Shuuciga ahaa ee Vladamir Lennin kaas oo yiri “Dhawr magaca iyo muunnad madax-dii kaa horeysay, si aad iskugu hesho taageerayaashiisii iyo taageerayaashaada, waanna marka kaliya ee aad noqonayso maamullo ammaanan,”.

W/D: Cabdiwahaab Axmed Cali