Sawirro: Farmaajo iyo Uhuru oo kulmay iyo Farmaajo oo aqbalay arrin ay Kenya usoo bandhigtay

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo u badan dhanka amniga, oo ay ka mid tahay taageerada howlgalka Amisom, oo Kenya ay qeyb ka tahay, iyo sidii gacan looga gaysan lahaa xasiloonida dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay isla soo qaadeen darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen.

Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya.

Wada-hadallada labada mas’uul ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com