FARMAAJO iyo Kheyre oo qorshe yaba leh u dejiyey go’oonnnada ka soo bixi doona shirka Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo  Maamul Gobaleedyada waxaana looga hadlayaa Xaaladda Soomaaliya.

Shirka ayaa xoogga lagu saarayaa Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha waxaana sidoo kale la doonayaa in lagu xaliyo tabashooyinka Maamul Gobaleedyada ay ka qabaan hogaanka Soomaaliya.

Caasimada Online oo la hadashay xubno badan oo katirsan Wafdiga Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa ogaatay in rajo wayn aan laga qabin dhaqan galka waxyaabihii lagu heshiiyo.

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaan aad ugu dhow Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Kheyre isku afgarteen in la dhageesto cabashada maamul Gobaleedyada balse aan la dhaqan gelin loona qabto ballan qaadyo sidii hore u dhacday oo kale.

Xubnahaan ayaa sidoo kale noo sheegay in waxa ay doonayaan Maamul Gobaleedyada iyo dowladda rabitaankeeda aysan isu dhawayn, sidoo kalane aysan dhanka Dowladda ka suurta gelin rabitaanka Maamul Gobaleedyada in ay fuliso.

Qodobada ugu wayn ee la isku haayo waa Sharciga doorashada iyo qoondada dhaqaalaha ee Maamul Gobaleedyada oo aysan bixin dowladda Soomaaliya bilooyinkii la soo dhaafay labadana waa lagama taabtaan Kheyrre iyo Farmaajo.

Sidoo kale waxyaabaha la isku haayo waa madaxbanaanida doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland taasna aysan ka suurta geli karin Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu yahay waqti lumis dowladda Soomaaliyana aysan dhaqan gelin doonin waxyaabihii ka soo baxa shirka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan balse ma muuqato rajo wayn oo laga qabo Shirkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com