Somaliland oo cadaadis xoogan kala kulmeysa dowladda UK

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis xoogan ku saareysa xukuumada Somaliland, sidii ay u qabsoomi lahaayen doorashooyinka golahayaasha wakiilada iyo deegaanka oo lagu wado inay qabsooman dhamaadka Sanadkan.

Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda ee UK Harriett Baldwin, ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland iney muujiyan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo qabto doorashooyinka Somaliland.

Wasiir Harriett oo arrintaas qoraal kasoo saartay ayaa waxay tiri “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub”

“Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka”.

Waxayna intaa kusii dartay “Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka”.

“Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com