Baabuur ay saarnaayeen shacab oo lagu qarxiyey duleeedka Afgooye (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Miino dhulka lagu aasay ayaa qabsatay gaari ay dad Shacab ah saarnaayeen oo marayey duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Sida ay Caasimadda Online warka ku heshay Gaarigaan la qarxiyey ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah oo kasoo raacay deegaanka Cabdow dibile ee duleedka degmada Afgooye.

Gaarigaan ayaa wuxuu kusoo jeediyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa nooca ay soomaalida u tahay Hoomey ama Caaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu qaraxaas ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo gaaray dadkii Shacabka ahaa ee saarnaa inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadkii saarnaa gaarigaas oo la sheegay inuu intiisa badan gubtay.

Qaraxyada miinada lagu aaso ayaa marar badan waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose, iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka shacabka ah.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com