Shirka dowlada iyo madax goboleedyada oo furmay iyo qodobada la isku hayo

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka furay shirka Wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka,kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,waxaana hoolka ku sugan  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Madaxweynaha Jubbaland,Madaxweynaha Hirshabeelle,Madaxweynaha Koonfur Galbeed,Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland oo Madaxda isugu yeeray Shirakn.

Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto, Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in jadwalka loogu tala galay kulanka uu yahay maanta illaa caawa, balse laga yaabo inuu dheeraado, marka loo eego qodobada xasaasiga ah ee la isku haayo.

Arrimaha sida gaarka ah shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka.

Hoos ka akhriso qodobada shirkaan oo dhameystiran

1- In heshiis laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka oo ka hadlayo Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobkaan oo ay soo hoos galayaan inta badan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay sida;

  • Siyaasadda: Waxaa laga hadli doonnaa cidda xaqa u leh jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceyso, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose.
  • Kheyraad-Qeybsiga: Qodobada miiska saran ee ugu kulul ayaa sidoo kale waxaa kamid ah shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay xukuumaddu gacanta ku heyso. Iminka ma jirto wax kheyraad ah oo la qeybsan doono, balse hergelinta shuruucdaas ayaa ah waxa laga wad hadli doono.

2- Abaaraha dalka ka jira: Sida ay sheegayaan odoros ay sameeyeen hay’adaha QM, waxaa cabsi laga qabaa in abaar daran ay ku dhufato inta badan gobollada dalka. Madaxda ayaa la filayaa in qodobkan uu u noqdo mid kamid ah wax yaabaha ay ka hadlayaan.