Sweden oo kaalin muhiim ah ka qaadaneysa wada-hadalada DF iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland Maxamed Cawad ayaa markii u horeysay soo jeediyey in dalka Sweden ay kaalin muhiim ah ka qaadan karto dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiir Cawad oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa ka dhawaajiyey in Sweden ay waayo-aragnimo fiican u leedahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah.

Cawad oo wareysi siiyey idaacadda dawladda ee Sweden ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay kaalinta dhex-dhexaadnimo ee Sweden ay isugu keentay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo, isagoona tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Somaliland.

Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaya in Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ay ogashahay oo ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay midaas si wada jira u rabaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhinaca kale, Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo ka hadlay soo jeedinta Wasiir Cawad ayaa isaguna sheegay in loo baahanyahay go’aan ay arrintan ku aqbalaan labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com