Xisbiga KULAN oo si weyn uga hor-yimid SHARCIGA cusub ee doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan Maxamed C/raxmaan Cali Siiriin ayaa Walaac baddan ka muujiyay Sharciga Doorashooyinka ee ay dhowaan ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Siiriin ayaa yiri “Waa Talaabbo aan dhiirogalineeyno Sharciga Doorashooyinka inna la sameeyo iyo sharciga nidaamka axsaabta badan Lakiinse Arrimaha Masiiriga ah waa inna laga yeesho Talo loo dhan yahay ee inta ee quseeyso taladda laga qeybgaliyo”

Guddoomiye Maxamed Siiriin, waxa uu sidoo kale soo dhaweyay shirka Madaxda Soomaaliyeed kaga furmay Garoowe, isaga oo yiri “Waxaa bogaadineeynaa Dhamaan dadaalada Maamul gobolleedyada iyo Dowladda Federaalka ugu jiraan Xal u helidda arrimaha quseeyo Doorashooyinka, iyo Dastuurka waxaana ku baaqaynaa Wada-hadaladda Madaxda Soomaaliyeed inay noqdaan kuwa joogta a”

Siiriin ayaa sidaas kale waxa uu mahad celiyey Beesha Caalamka ee Somalia la garab taagan dib-u udhiska dowladnimadda Somalia.

Ugu Danbeyn Mudane Maxamed Siiriin ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed innay is-cafiyaan iyo Inaan Allah subxaana watacaala aan u laabanno Bisha Barakeysan ee Ramadan, wuxuu ku dhiragalina Shacabka Soomaaliyeed innay afuriyaan Walaalahooda danyarta ah ee aan awooddin afurka bisha Ramadan.