Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbaday inay faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa soo jeediyay in faraha kala baxaan kiiska Ikraan Tahliil madaxweynaha muddo xileedkiiska uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, xili uu khilaaf hor leh ka dhashay kiiskaas.

Cabdiwali Gaas oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa qaba in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’addaha garsoorka iyo maxkamadda ku shaqada leh, islamarkaana xilligaan xooga la saaro habsami u socodka hanaanka doorashada dalka.

“Is-qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waa in loo daaya hay’adaha shaqadoodu tahay ee cadaaladda, xeer-ilaaliyaha iyo maxkamadda ciidamada, waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u isticmaalayo arrintaan,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

“Waxay noqoneysa labadoodaba arrintaasi (waraaqaha iska hor-imaanaya ee Farmaajo iyo Rooble) in ay dhib ku keento mustaqbalkooda siyaasadeed. Labadoodaba eedeysanayaal ayey noqonayaan. Waxaa kula talinayaa Ra’iisul Wasaaraha in uu u jeesto qabashada doorashada.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha guushiisa iyo guul-daradiisa siyaasadeed ay halbeeg u noqoneyso qaabka ay u dhacdo doorashada, hase yeeshe aan lagu cabiri doonin kiiska Ikraan oo uu dalbaday in uu faraha kala baxo, una daayo hay’addaha shaqada ku leh.

“Kiiska Ikraan meel la’aan ma dhici doono, aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda, Soomaalida oo dhan ayaa ku soo jeeda, markaa waxaa loo baahan yahay in aan lagu mashquulin arrintaan hay’addaha ku shaqada leh loo daayo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilligaan uu dalka u baahan yahay cadaadis caalami ah si hoos loogu dhigo xiisadaha ka aloosan gudaha, islamarkaana ay dib ugu joogsan lahaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha, sida uu sheegay.