Yuusuf Garaad Cumar oo naqdiyey hadal kasoo yeeray Cabdullaahi Sanbaloolshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa naqdiyey hadal jeedin uu dhawaan sameeyay Cabdullaahi Sanbaloolshe, Agaasimihii hore ee NISA, kaasi oo ku saabsanaa siyaasadda iyo damiirka.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in siyaasadda aysan u sameyn siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran uu yimaaddo, halka taasi badalkeed uu qabo Sanbaloolshe oo dhawaan sheegay in Siyaasaddu moral laheyn.

Hoos ka aqriso qoraalka Yuusuf Garaad oo dhameystiran:

Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaan daawaday oo ka hadlay siyaasadda iyo damiirka ama aan si kale dhahee Anshaxa Siyaasadda.

Mowduuc aad u muhiim ah ayuu soo qaaday waana uga mahadcelinayaa inkasta oo aan ku kala ra’yi duwan nahay.

Maaddaama uu yir siyaasaddu moral ma laha, waxay ila noqotay in aan aragtidaas oo keliya lagu sii deyn dhallinyarada. Waxay ila noqotay in mid kale la dhinac dhigo si ay u noqoto dood furan oo keenta in ay culuumta iyo taariikhda siyaasadda dunida ay wax uga baaraan.

Waxaan u dhihi lahaa sidan:

Siyaasadda ka hor ayuu siyaasigu ahaa qof qaangaar ah oo ugu yaraan dad la macaamilay.

Siyaasiyiinta qaarkoodna siyaasadda ka hor ayay lahaayeen khibrad shaqo, qaar kalena waxaa u wehlisay mid maamul oo isugu jirta dejin istaraatijiyad, maamul miisaaniyad iyo maareynta Shaqaale iyo wax soo saar ama adeeg. Kuwan dambe waxay hore u qaateen go’aammo saameynaya nolosha iyo horumarka dad ay iyagu mas’uul u yihiin.

Sidaa darteed siyaasaddu uma sameyso siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran ayuu yimaadaa.

Awoodda ay siineyso iyo xaaladaha adag ee ay dhex taageyso awgood, siyaasaddu waa ay saameyn kartaa damiirka midka aan wax u kala soocneyn, kaan aqoon xudduudaha lama dhaafaanka ah iyo kan aan ku dhiirran karin in uu maya yiraahdo.

Siyaasiga fekeraya, wax isku falaya, dhaarta xusuusan, og in uu xafiiska ka tegi doono, siyaasaddu waa ay imtixaantaa damiirkiisa, su’aalo adag oo badan ayay ku furtaa maskaxdiisa laakiin saameyn kale kuma laha.