Xildhibaan Zakariye oo iska fogeeyey warar laga faafiyey oo la xiriira R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu isaga beriyeelay in si gaar ah uu saaxiib ula yahay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in laga faafiyey warar been abuur ah.

Xildhibaanka oo aad loogu xagliyo xubnaha siyaasad ah u janjeera dhanka Farmaajo ayaa sheegay in Farmaajo iyo Rooble ay u siman yihiin oo labadaba uu saaxiib la yahay.

“Kooxo aan heybtooda la aqoon ayaa waxey baraha bulshada kusoo qorayeen maalmahan inaan anigu ahay nin Rooble liddi ku ah,  taas badalkeedana aan ahay nin ujanjeera dhanka Farmaajo.

Waxaan caddeynayaa inaan ahay oday Soomaaliyeed. Rooble iyo Farmaajo waa rag saaxiibadey ah, waxaana naga dhaxeysa hal shaqo oo ah in qarankan si Soomaalinnimo ah ugu adeegno,” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri Xildhibaan Zakariye.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in doorka uga furan khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu yahay in si odaytinimo ku jirto uu xalkiisa uga qeyb qaato.

“Madax markeey shaqo qaranka uhayaan waxaa khasab ah ineey aragti kala duwanaasho meesha imaato, Taasna waxaa iiga furan inaan si cilmiyeysan oo odaytinnimo ahaan ah uxalliyo, Sheegana sida xalku uu yahay, laakiin igama suurtowdo in waxyaabaha la iga baahinayo ee been abuurka ah oo kale aan ku dhaqmo. WAR XUMOOW LAGU WAAAAA!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Khilaafka Ra’isul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana guul-dareystay wadahadallo xal loogu raadinayey khilaafka oo ay wadeen xubno ay hor ka cayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.