Xog: Qaar ka mid ah ciidanka Duufaan ee NISA oo goostay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog la isku haleyn karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa inay goosteen qaar ka mid ah ciidamada Duufaan ee ka tirsan hay’adda NISA, kuwaas oo maalmahaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo ka mid ah Muqdisho. 

Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Hay’ada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Askar gaareysa ugu yaraan 15 Askari oo wata hub casri ah ay goosteen dhowaan markii la geeyay aagga Habar Khadiijo ee xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya. 

Ragga goostay oo markii hore ka tirsanaa Al-Shabaabkii lagu dhaqan celiyay xerada Serandi ee degmada Xamar Jajab ayaa ilaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyaan. 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya askartaan goosatay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga goostay ay Al-Shabaab u galeen iyaga iyo hubkooda, halka warar kalane ay sheegayaan in ay joogaan xaafado ka mid ah Muqdisho, isla markaana ay hubka dhigeen kadibna ay dib ugu laabteen ehelladooda. 

Warkii u dambeeyay ee laga maqlo dhalinyarada goosatay ka hor inta aysan bixin ayaa ahaa “Xerada ayaa nagala soo qaaday mana naloo sheegin in dagaal naloo wado waana nala qiyaanay,” intaas kadib waxaa lagu baraarugay in dhallinyaradii ay baxsadeen. 

Ciidamada Duufaan ayaa u badan dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu dhaqan celiyay Xerada Serandi iyo qaar laga keenay gobalka Gedo, waxayna toos uga amar qaataan madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. 

Ciidanka Duufaan ayaa ah kuwa hadda jooga isgoyska ku dhow xarunta NISA, ee diidan in taliyaha cusub ee NISA Bashiir Goobe uu xarunta u gudbo, halka gudaha xarunta NISA ay haystaan ciidamada Waran oo taageersan ra’iisul wasaare Rooble.